Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya oo Shalay ka qayb galay Mashruuc lagu dhisayo Khad Tareen ee dalka Itoobiya.

Somalia iyo Itoobiya.jpg2Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Haile Mariam Desalegn kala qaybgalay munaasabad lagu dhagax-dhigayay mashruuc khad tareen ah oo cusub oo Shiinaha uu ka dhisayo Itoobiya.

Mashruucan ayaa isku xiri doona deegaannada Mekelle, Weldiya iyo Hara Gebeya; iyadoo kahdkan tareenka uu yahay kii ugu horreeyay oo waddanka Itoobiya ay dowladda Shiinuhu ka hirgelinayso.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhismaha mashruucan ku tilmaamey inuu ka tarjumayo muhimadda nabadgelyada iyo wadajirka umadeed, Soomaaliyana ay wax badan ka baran karto Itoobiya.

“Mashruucan horumarineed iyo kuwo kasii wanaagsanba waa laga hirgelin karaa dalkeena. Ilaahay wuxuu shacabkeenna Soomaaliyeed ku manneystay hal-abuur dhanka ganacsiga ah oo si weynna loogu ammaano, haddii aan hibadaas iyo dadaal xil-kasnimo ah ku darno waxaan shaki ku jirin inaan Afrika iyo caalamkaba tusaale u noqon doono,” ayuu Xasan yiri.

Ugu dambeyn, mashruucan ayaa waxaa fulinaysa shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo magaceeda la yiraahdo CCCC, waxaana shirkaddaan labaatankii sano ee lasoo dhaafay ay gacan weyn ka geysaneysey hirgelinta mashaariic badan oo kaabeyaasha dhaqaalaha ah oo laga wado waddamo ku yaalla Afrika.

SomaliSwiss         Addis Ababa
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: