Wasiirka Cusub ee Tamarta iyo Biyaha oo maanta la wareeegay Xilka Wasaradda.

Xilwareejin TamartaWaxaa Magaalada Muqdisho lagu qabtay Munaasabad xilka uu kula wareegay wasiirka Cusub ee wasaarada Tamarta iyo Biyaha Xukuumada Soomaaliya, waxaana Munaasabadaas ay ka qayb galeen Mas,uuliyiin badan oo uu ka mid yahya Hanti dhowraha Guud Ee Qaranka.

Xilwareejin Tamarta.jpg1Wasiirkii Hore ee Wasaarada Tamarta Mudane Jaamac Maxamed Oday ayaa ku amaanay Shaqaalaha Wasaarada qaabkii ay ula shaqeeyeen waxaana uu ka codsaday in ay la shaqeeyaan Wasiirka Cusub.

Sidoo kale wasiirka Cusub Ee wasaaradaas Mudane Maxamed Xasan Aadan ayaa u mahad naqay Wasiirkii Hore iyo ku xigeenadiisii waxaana uu balan qaaday in Halkiisa uu ka sii amba qaadi doono Howsha adag ee Wasiirkii hore uu soo waday.

SomaliSwiss         Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: