Madaxweyne Xasan Sheekh oo Addis Ababa kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desaling.

Somalia iyo ItoobiyaMadaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo shalay u kicitimay dalka Itoobiya ayaa xalay gaaray magaalada Addis Ababa, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay.

Ujeedada socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdigiisa ayaa waxay ahay inay ka qaybgalaan xuska 40-guuradii ka soo waregtay markii talada dalkaas laga tuuray madaxweynihii hore ee dalka Itoobiya, Mingistu Hailemariam.

Daa’uud Aweys oo ah Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya,  ayaa warbaahinta u sheegay in xafladda ay ka qaybgalayaan madax ka socota caalamka, isagoo hadalkiisa ku daray in madaxweynuhu uu kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya ayna ka wada hadleen arrimo badan oo xaaladda dalka Somalia ku saabsan.

Sidoo kale, madaxweynaha Somalia iyo wafdigiisa ayaa la filayaa inta ay ku sugan yihiin Itoobiya ay kulammo kala duwan la yeeshan madaxda kasoo qaybgalaysa munaasabadda.

Dowladda Itoobiya ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan kumannaan askari oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, iyadoo xukuumadda Addis ay horay u sheegtay inay ciidammo dheeraad ah u soo dirayso Soomaaliya.

SomaliSwiss         Addis Ababa
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: