Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo maanta Khudbad ka jeediyay Munaasabadda Xuska Xornima Doonkii Dalka Ethiopia.

Somalia iyo Itoobiya.jpg1Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo ku sugan Wadanka Ethiopia ayaa maanta waxaa uu ka qayb galay Munaasabad Xuska Ururka Xornima doonka Dalka Ethiopia oo Maanta lagu qabtay Gobolka Mukala oo Dhanka wuqooyiga kaga beegan Magaalada Caasimada ah Ee Adis ababa 780 Km.

Xuskka ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay Madaxda Dowladda Ethiopia iyo Madax kala kala socotay Wadamada Gobolka oo ay ka mid yihiin Jabuuti Uganda Suudaan Ruwanda iyo kuwa kale Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Sheikh ayaana Dowladda Ethiopia ku amaanay Hormarka ay sameysay iyo Garab istaageeda Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweynaha intii uu joogay Dalka Ethiopia waxaa uu kulamo Gaar gaar ah la qaatay Mas,uuliyiin ay ka mid yihiin Ra,iisul wasaaraha Dalka Jabuuti kan Uganda Madaxweynaha Ruwanda Madaxweynaha Sudan iyo kuwa kale kuwaas oo uu kala hadlay Xiriirka labada dhinac iyo sidii loo sii xooji lahaa is kaashiga .

SomaliSwiss         Addis Ababa
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: