Advertisements

Shaqaale ka tirsanaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho oo galabnimadii maanta lagu dilay isgoyska KM-4 ee Muqdisho.

KM-4  MuqdishoAfar qof oo ka tirsanaa shaqaalaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa galabnimadii maanta lagu dilay isgoyska KM-4 ee Muqdisho, iyadoo dilka xubnahan ay sheegatay Xarakada Al-shabaab ee dagaalanta Soomaaliya.

Shaqaalahan oo lagu dilay toogashada ayaa la sheegay inay ka yimaadeen xilliga la dilayo garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyagoo watay gaari yar, dilkaas kadib waxaa goobta falkaas ka dhacay ahayd illinka hore ee hoteelka Naasa-hablood oo ku dhow isgoyska KM-4 soo gaaray Ciidammo ka tirsan dowladda.

Afar qof oo ku dhimatay dhadadaas waxaa ka mid ahaa Abuukar Caddaani, Agaasimaha Gaadiidka Hawada Soomaaliya, Maxamed Axmed Haaruun, Maareeyaha Hagidda Hawada, Maxamed Kadiye Jimcaale, Maareeye ku xigeenka Duulista Hawada iyo Xuseen Hilowle Caddaan oo ahaa darawalkii gaariga saddexda sarkaal

Maydadka saddexda sarkaal iyo darawalkooda ayaa waxaa goobta ka qaaday ciidammo ka tirsan Nabadsugidda dowladda Soomaaliya, iyadoo kooxihii dilka geystay ay baxsadeen.

Xarakada Al-shabaab ee Somalia ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka sadexda sarkaal ee ka tirsanaa shaqaalaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho iyo darawalkii u waday gaariga.

“Ciidamadeena gaarka ah ayaa fuliyay dilka saddexda sarkaal ee DFS ka tirsnaa, waana sii wadi doonnaa ugaarsiga aan ku hayno xubnaha dowladda,” ayay Al-shabaab ku sheegtay warbixin ay soo saartay.

Ugu dambeyn, dilkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo shalay kooxo hubeysan oo ka tirsanaa Al-shabaab ay xaafada Tabakaayo Madow oo ka tirsan degmada Dharkeynley ay ku dileen sarkaal ka tirsan wasaaradda qorsheynta oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Maxamed Siyaad.

SomaliSwiss         Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: