Advertisements

Dekada Magaalada Muqdisho oo Saakey ka sharaacday Markab sida kun Neef oo xoolo ah.

Xoolo dhoof ahMarkabka la yiraahda NV Golden Sky ayaa Saakey ka ambabaxay Dekada Magaalada Muqdisho, kaas oo saarnaa Xoolahaa Nool oo gaaraya 1,000 Neef oo Loda ahsida la sheegay Markabkan ayaa ku sii jeeda wadanka Cumaan, halkaa oo loo Iib geeyay Xoolahaas.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Gnaacsato Soomaaliyed ay Xoolahan ka keeneen Gobolada Koofurta Soomaaliya, waxaana Dhoofinta xoolahaas Goob jog ka ahaa wasiirkii hore Ee Xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa iyo wasiirka Cusub.

Mid ka mid ah ganacsatada Xoolaha Dhoofineysa ayaa waxaa uu sheegay in ay ujeedkoodu yahay in ay soo nooleeyaan in Xoolaha ku Nool Gobolada dalka Gaar ahaan kuwa Koofureed loo iib ggeeyo suuqyada Caalamka isla markaana sidoo kale dalaga beeraha sidaan oo kale loo iib geeyo dowlada ayuuna ka codsaday in arintaas Ganacsatada lagu dhiiri galiyo sidoo kale Dr Jaangow oo ah Dhaqtarka Xoolaha Dekada Muqdisho ayaa ka warbixiyay caafimaadka Xoolaha la dhoofiyay Maanta.

Wasiirkii Hore ee Xaananada Xoolaha saalim Caliyow Ibrow oo ka hadlay Goobta ayaa waxaa uu sheegay in Muhiim ay tahay in Xoolaha Soomaaliya loo iib geeyo suuqyada caalamka wasiirka Cusub ayuuna u soo jeediyay in la dhiiri galiyo Gnacsatada ku howlan arintaas.

Wasiirka Cusub Ee wasaarada Xanaanada Xoolaha Siciid Xuseen Ciid oo isna hadlay ayaa waxaa uu balan qaaday in wasaaradiisu ay ganacsatada ku garab istaageyso hormarka ay sameynayaan Mudo dheerna aan Gobolada Koofurta laga dhoofin Xoolo in dib loo bilaabo snaado badan ka dibna ay tahay Hormar lagu talaabsaday.

SomaliSwiss          Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: