Rasaaseyn ka dhacday Xalay Caasimadda dalka Danimark ee Copenaghen.

Danimark.docx1Waxaa xalay Saacadda markey ahayd 21:19 waqtiga Yurubta dhexe in Rasaaseyn ay ka dhacday Caasimadda dalka Danimarca ee Copenaghen ;

Weerarka Rasaaseyntan ayaa la sheegay inay ahayd mid argagax ah, sidaas waxaa yiri Ra’iisala-wasaaraha dalka Danimark Mr. Halle Thorning-Schmidt, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Waddanka Danimark oo idil uu haatan ay ka jirto Cabsi, waxaana hadda lagu raad-joogaa kooxdii ka danbeysay Rasaaseyntaas.

Danimark.docx3Ilaa haatan, waxaa lagu soo warramayaa in dhacdadaas ay ku dhinteen hal qof oo rayid ah, waxaana ku dhaawacmay Saddax qof oo ka tirsan Ciidanka Booliska.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in goobta ay falkaas ka dhacday, waxay ahayd meel laga cabo Qaxwada ( Caffé) ee ku taala magaalada Copenaghen, halkaas oo ka jirtay kulan Furan oo loogu hadlayey «Xurriyad Qoolka».

Sida lagu soo warramay dadka ka soo qayb gala Kulankaas ayaa waxaa ka mid ahaa Mr. Lars Vilks oo ahaa Sawir-gacmeedlihii sameeyey dhowr sawir oo lagu af-lagaadeynayey Nabi Mohamed (CSWS), sidaas waxaa laga sii daayey Telefeeshinka 2aad ee dalka Danimark (Tv2), waxaana warkaas laga soo xigtay Booliska.

Sida wararka ay sheegayaan kulankan ayaa looga doodayey dhacdadii Charlie Hebdo ee dhawaantan ka dhacday dalka Faransiiska, waxaana kulankaas ka hadlayey Danjiraha Dalaka Faransiiska u fadhiya Wadanka Danimark.

Sida uu sheegay Telefeeshinka 2aad ee dalka Danimark (Tv2), in dadka sameeye falka Rasaaseynta waxay ahaayeen laba qof, kuwaas oo Rasaasta ka riday Dariishad furneyd ee ku taalay goobta ka socotay dooda ra’yi is-dhaafsiga

Mr. Lars Vilks oo ah Farshaxanle Sawir-gacmeedle ayaa la sheegay in in-muddo ahba lahaa ciidan ilaaliya oo skorta ah, waayo dhowr jeer ayaa loogu hanjabay dil, ha yeeshee dhacdadan wuu ka badbaaday.

Si kasta ha ahaatee Madaxa Guddiga Golaha Reer Yurub Mr. Federica Mogherini ayaa Canbaareeyey weerarka keenay dhimashada iyo dhaawaca, wuxuuna caddeeyey in Wadamada Yurub ay ku mideysan yihiin, kuna taageerayaan Wadanka Danimark adkeynta Mabda’a Xuriyatul Qoolka iyo Fikirka.

Isha Warka: Danimark (Tv2)
Tarjume : Dr. Dhicisow
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: