Gudoomiyaha Guddigga Nabadeynta dagaalka Guriceel oo sheegay in howlaha nabadeynta ah ay meel wanaagsan marayso.

MA CaalinWararka ka naga soo gaaraya degmada Guriceel ayaa sheegaya in Guddiggii loo xil saaray dib u heshiisiinta iyo nabadeynta dhinacyadii ku dagaalamaya magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ee barrtamaha Soomaaliya ay maanta ka warbixiyeen howlihii dhex dhexaadinta ahaa ay halkaasi ka sameynayeen maalmihii la soo dhaafay.

Mudane Maxamed Axmed Caalim oo ah Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug isla markaana ah gudoomiyaha guddigga nabadeynta dagaalkii Guriceel oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in howsha nabadeynta ah meel wanaagsan u marayso isla markaana labadii garab ee ku dhowaan ku dagaalamay deegaanka Guriceel ay ka ogolaadeen in ay xabadda joojiyaan si shuruud la’aan ah.

Guddoomiye Caalim ayaa intaa ku daray in talaabadda xigta oo ay hadda wadaan ay tahay sidii dadkii magaalada ka cararay dib ugu soo laaban lahaayeen guriyahooda maadaama ay ku dhibaataysan yihiin meelaha howdka ah.

“Waxaan ku dadaalaynaa sidii qof Soomaali ah mar kale uusan dagaal ugu dhiman la aheyn anganoo Ilaah talo saaranayna, dadka deegaanka si wanaagsan ayay soo dhaweeyeen waad u mahadcelinayaa” ayuu yiri Guddoomiye Caalim.

Guddoomiyaha guddigga dib u heshiisiinta nabadeynta dagaalkii Guriceel Maxamed Axmed Caalim ayaa sidoo kale waxaa uu baaq u direy dhammaan siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada gobolada dhexe in ay yimaadaan isla markaana ka qeyb qaataan howlaha nabadeynta ah.

SomaliSwiss        Guriceel
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: