Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka Soomaaliya oo walaac ka muujiyay qiimo dhaca ku yimid shillinka Soomaaliga.

Lacag Somaali.jpg1Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay qiimo dhaca ku yimid shillinka Soomaaliga, iyadoo walaacan imaanayo xilli ay sii dhamaanayso lacagta shillinka ah ee laga istcimaalo Soomaaliya.

Guddoomiyaha guddiga Maaliyadda baarlamaanka Federaalka Somalia, Samaan Maxamed Sheekh Dahir ayaa sheegay inay walaac aad u xooggan ka muujinayaan qiima dhaca ku yimid Shiling Soomaaliga, iyadoo lacagta shillinka Soomaaliga uu u weynyahay xilliga 1,000 shillin un yar yahay.

Xildhibaan Samaan oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Hoos-u-dhac weyn ayaa ku yimid shiling Soomaaliga, maxaa yeelay dalka waxaa ku batay isticmaalka doollarka, shilinkiina meel laga isticmaalayo ma jirto, cid walba doollar ayay wax ku iibsataa”.

Guddoomiyuhu ayaa ka sheegay xafladdii uu kula wareegayay xilka wasiirka cusub ee maaliyadda xilka kula wareegayay, isagoo ugu baaqay wasiirka inuu xoogga saaro soo nooleynta qimihii Shillinka Soomaaliga.

Sidoo kale, Xidhibaan Samaan wuxuu sheegay in meel walba sida goobaha ganacsiga ay Somalidu wax ku iibsadaan doollarka, taasna aanay ahayn wax aan la aqbali karin.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha guddiga maaliyadda barlamaanku wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya lafteeda ay lacagaha canshuuraha ah ku qaaddo lacagta shiling, taasna ay qayb ka tahay dhibaatada xilligan dalka ka jirta sababna u ah qiimo dhaca shillinka.

Si kastaba ha ahaateen, tan iyo markii uu Soomaaliya ay galay burburka, waxaa aad u soo kordhaysay isticmaalka lacagaha qalaad, iyadoo lacagtii shillin Soomaaliga ay u muuqato mid meesha kasii baxaysa.

SomaliSwiss         Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: