Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda oo maanta xilkii Wasaaraddaas la wareegayay.

Wasiirka Cusub Wasaaradda Maaliyadda.jpg3Munaasabad lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ayaa waxaa xilkii Wasaaraddaas si rasmi ah ula wareegayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda waxaana ka soo qeyb galey xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, howlwadeenada Wasaaradda Maaliyadda ayaa lagu qabtay Muqdisho, iyadoo uu goob joog ka ahaa xafladda hanti dhowrka guud ee Qaranka.

Wasiirka Cusub Wasaaradda MaaliyaddaHanti dhowrka guud ee Qaranka Dr Nuur Faarax oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa tilmaamay in Wasaaradda maaliyaddu ay Soomaaliya soo gaarsiisay meel laga xisaabtami karo, maantana uu ku faraxsanyahay ka qeybgalka munaasabadda xil wareejinta.

Xildhibaan Samaan Maxamed Sheekh Daahir oo ah guddoomiyaha Guddiga maaliyadda ee baarlamaanka ayaa sheegay in Wasaaradda maaliyadda looga fadhiyo inay diyaariso qorshe cad oo qeexaya dhanka canshuuraha oo mideysan oo ah midda ay leeyihiin maamul goboleedyada kan dowladda dhexe.

Wasiirka Cusub Wasaaradda Maaliyadda.jpg2Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Xuseen Cabdi Xalane oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyay ayaa ka sheekeeyay waxyaabihii u qabsoomay oo ay ka midtahay in ay diyaariyeen sidii deeqaha Soomaaliya loogu talagalay loogu soo shubi lahaa bankiga, isagoo shaqaalaha ka codsaday inay la shaqeeyaan Wasiirka cusub.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Maxamed Aadan Ibraahim “Fargeti” ayaa uga mahadceliyay Wasiirkii hore waxyaabaha u qabsoomay, isla markaana uu wax badan ku kordhin doono Wasaaradda, waxaana uu howlwadeenada ka codsaday inay gacan ku siiyaan arrimahaasi.

Wasaaradda maaliyadda ee Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa inay diyaariso sharciga canshuuraha dalka, soo daabicidda lacag shilin Soomaali ah iyo kuwa kale.

Wasiirka Cusub Wasaaradda MaaliyaddaWasiirka Cusub Wasaaradda Maaliyadda.jpg1SomaliSwiss        Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: