Wasiirka cusub ee Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Dr. Hadliye oo maanta la wareegayay xilka Wasaaraddaas.

Wasiira  cusub a. Dibadda.jpg1Wasiirka cusub ee Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Dr. Dr. Cabdisalaam Cumar Hadliye ayaa maanta la wareegayay xilka Wasaaraddaas, waxaana Munaasabadaas ka qeyb galay Ra’iisul ku-xigeen ahna ku-simaha Ra’iisul dalka, Wasiirkii hore ee arimaha dibada, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, safiiro, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Wasiira  cusub a. DibaddaMunaasabada ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay xoghayaha joogtada ee wasaarada arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Cali Maxamed oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay la shaqeyn doonaan Wasiirka cusub ee Wasaaradda.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda iyo dhiiragelinta maalgashiga Soomaaliya mudane Dr C/raxmaan Ducaale Beyle oo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay mudadii u xilka hayay ayaa ku dheeraaday arrimo badan sida:

– Qalabeynta Wasaaradda iyo tayeynta shaqaalaha.

– Tababarida diblomaasiyiin ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda.

– Dhameystirka heshiisyo qabyo ahaa oo ku saabsan horumarinta siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya.

– Qorshaha lagu dhisayo guri ay leeyihiin diblomaasiyiinta iyo safiirada ee laga dhex dhisi doono xarunta Wasaarada arrimaha dibadda.

– Heshiisyo lagu dayactirayo safaaradaha Soomaaliya ee caalamka kuwooda dib u dayactirka u baahan.

– hirgelinta qorshe wax barasho lacag la’aan ah oo loo sameynayo dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaa uuna Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda uu ugu baaqay Wasiirka cusub ee arrimaha dibada Soomaaliya inuu ka faa’iideysto fursado badan oo Wasaaradu ayuu heysato oo ay jiraan dalal badan oo u diyaar ah in ay caawiyaan Soomaaliya.

Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Soomaaliya Dr C/salaan Cumar Hadliye ayaa u mahad celiyay waxyaabaha u qabsoomay, isagoo balan qaaday in howsha uu halkeeda kasii wadi doono, wada shaqeyn buuxdana uu la yeelan doono dhamaan shaqaaalaha Wasaaradda.

Wasiira  cusub a. Dibadda.jpg2Wasiira  cusub a. Dibadda.jpg3SomaliSwiss           Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: