Ciidamada AMISOM iyo kuwa Jubbaland oo si wadajir ah u fulin doona dhawaan howlgallo Al-Shabaab looga xoreeynayo gobollada Jubooyinka.

Ugandan soldiers serving with the African Union Mission in Somalia (AMISOM) fire a mortar near the outskirts of the town of AfgoyeSida la wada ogsoon yahay xoogagga Al-shabaab ayaa waxay si buuxda gacanta ugu hayaan gobolka Jubbada dhexe isla markaana ay ku sugan yihiin qaybo ka tirsan gobolka Jubbada hoose ayay masuuliyiinta maamulka Jubbaland waxa ay sheegeen in ay dhawaan gobolladan ka bilaaban doonaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab.

Madaxweyne ku-xigeenka 2-aad ee maamulka Jubbaland Mudane C/qaadir Xaaji Max’uud (Lugadheere) oo wareeysi gaar ah siiyay shabakadda HOL ayaa sheegay in dhawaan ay magaalada Kismaayo soo gaari doonaan ciidamo ka iman doona dalka Itoobiya iyo qaar kamid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

“Ciidamada AMISOM iyo kuwa Jubbaland oo iskaashanaya ayaa howlgalka si wadajir ah u fulin doona, waxayna howlgalladan ku wajahan yihiin goobaha ay gacanta ku hayaan maleeyshiyaadka nabad-diidka ah, saraakiisha AMISOM-na waan ka wada hadalnay arimahaasi wayna nala qaateen,” ayuu yiri madaxweeyne kuxigeenka.

Shalay gelinkii danbe ayaa waxaa magaalada Kismaayo soo gaaray wafdi ballaaran oo ka socday AMISOM, kaasoo uu horkacayay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Maman Sidiku, waxayna u yimaadeen in maamulka Jubbaland ay kala hadleen howlgallada ay qorsheeynayaan in ay ka bilaabaan Jubooyinka.

“Gobollada Jubooyinka waxay hoy u noqdeen maleeyshiyaadka Al-shabaab, dhammaan kuwii laga soo saaaray gobollada dalka halkan ayay isugu yimaadeen, maamulka Jubbaland iyo AMISOM oo isgarabsanaya waxa ay isku raaceen in ay howlgalladaasi sida ugu dhaqsaha badan loo bilaabo,” ayuu madaxweeyne kuxigeenku hadalkiisii raaciyay.

Midowga Afrika ayaa wada qorshe gobollada Jubooyinka lagu keenayo ciidamo ka iman doona dowladda Itoobiya, waxayna arintaasi ka danbeeysay kadib markii ay gobollada Jubooyinka isaga baxeen ciidamadii ka socday dowladda Sieraleone, kuwaasoo dalkooda dib ugu laabtay kadib markii ay mudo dheer waayeen wax bedel ah, maadaama dalkooda uu ka dilaacay cudurka EBOLA islamarkaana la joojiyay in ciidamo dheeri ah ay ka yimaadaan dalkaasi.

SomaliSwiss         Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: