Advertisements

Wasiirka cusub ee wasaaradda haweenka oo maanta la wareegtay Xilka Wasaaraddaas.

???????????????????????????????Wasiirka cusub ee wasaaradda haweenka iyo horumarinta xaquuqul insaanka ayaa maanta waxay kala wareegtay Xilka Wasaaraddaas wasiirkii hore ee wasaarada haweenka iyo xaquuqda aadanaha waxaana munaasabadaasi kasoo qeyb galeen qaar kamid ah xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya, ku-xigeenka xer-ilaaliyaha guud ee qaranka, wakiilo kasocda hanta-dhowrka guud ee qaranka iyo xubno kale.

???????????????????????????????Ugu horeyntii waxaa xaflada ka hadashay wasiirkii hore ee wasaaradda Khadiijo Maxamed Diiriye waxaana ay sheegtay in guulo badan la gaaray intii ay xilka heysay in kastoo qoraal ahaan ay u gudbisay waxyaabihii qabsoomay.

Xoghayaha guud ee gudiga xaquuqul insaanka ee baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Ugaas Bishaar Ibrraahim oo ka qeyb_galay munaasabada ayaa ugu baaqaya ururada bulshada iyo wasaaraadda haweenka in ay la shaqeeyaan wasiirka cusub ee wasaaradaasi.

???????????????????????????????Waxaa ugu dambeyntii munaasabadaasi ka hadashay wasiirka cusub ee wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqul insaanka Sahro Maxamed Cali Samatar oo u mahad celisay wasiirkii hore wasaarada haweenka Khadiijo waxaana ay sheegtay inay dadaal dheeraad ah u geli doonaan sidii haweenka Soomaaliyeed looga horumarin lahaa dhinacyada waxbarashada iyo difaaca xuquuqdooda.

XiwareejinSomaliSwiss          Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: