Advertisements

Marwada madaxweynaha oo deeq gaarsiisay naafada Isbitaalka Martini.

deeq naafada.jpg2Marwada Madaxweynaha Soomaaliya marwo Sahro Cumar Xassan ayaa maanta deeq raashin ah gaarsiisay ciidanka naafada xooga Soomaaliya ee ku jira isbitaalka Martini.Iyadoo isla maanta xariga ka jartay qeybo ka mid ah isbitaalkaasi oo dayactir lugu sameeyay taasi oo loogu tala galay in ciidanka naafada xooga iyaga iyo qosaskooda iney ku noladaan.

deeq

Col. Maxamed Maxamuud Saney oo ka mid ah saraakiisha ciidamada xooga dalka Soomaaliya oo goobtaasi hadal kooban ka jeeydiyay ayaa mahad naq u soo jeeydiyay marwada madaxweynaha Soomaaliya marwo Sahro Cumar Xassan sida ay mar waliba uga warqabto ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

deeq naafada.jpg1Marwada madaxweynaha Soomaaliya marwo Sahro Cumar Xassan ayaa sharaxaad ka bixisay deeqda ay maanta gaarsiisay naafada xooga dalka Soomaaliya ee ku jira Isbitaalka Martini ayaa sheegtay in deeqdan ka sokow ay muhiimad gaar ah leedahay in la furo qeyb cusub oo cusbitalka ah taas oo dayactir lagu sameeyay gaar ahaan dayactirka qeybaha ay ka daganyihiin naafadu Isbitaalkasi.

Dhawaan ayaa dayactir lugu sameeyay qeybaha ay naafadu ka dagan yihiin dhismaha isbitaalka Martini oo horay u bur bursanaa iyagoo si aad ah usoo dhaweeyay dayactirka iyo kaalmada ay marwada madaxweynuhu gaarsiisay.

SomaliSwiss           Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: