Advertisements

Degmada Guri-ceel oo maanta dib uga qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo xoogagga Ahlu Sunna.

Guriceel-dhuusamareebDegmada Guri-ceel ee gobolka Galguduud waxaa saacadihii hore ee maanta dib uga qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaliya iyo xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca oo labo cisho ka hor la wareegan gacan ku heynta degmada.

Dad ku sugan degmada Guri-ceel oo aan goor dhaw la hadalnay ayaa inoo xaqiijiyay dagaallka, iyaga oo sheegay in ciidammo ka tirsan dowladda oo intooda badan ka soo baxa degmada Dhuusa-mareeb weerar ku soo qaadeen saldhigyadii ay ku sugnayeen dagaalyahannada Ahlu Sunna Waljameeca.

Waxaa la maqlayaa dhawaqa hub culus oo ay dhinacyadu is-dhaafsanayaan, illaa iyo haddana lama oga khasaaraha ka dhashay dagaallka, madaama uu wali soconayo.

Shacabka ku dhaqan degmada oo labadii cisho ee la soo dhaafnayba siweyn ugu dhag-taagayay waxa ka soo bixi kara abaabulka dagaal ee labada dhinac, ayaa la sheegay in ay ku go-doonsan yihiin xaafadaha lagu dagaallamayo.

Saraakiil u hadashay kooxda Ahlusunna ayaa sheegay in ay degmada kula dagaalamayaan maleeshiyaad ka tirsan burcad badeeda Soomaalida, inkastoo wararka madaxa-banaan sheegayaan in dagaalku uu dhaxeeyo ciidammada dowladda Soomaaliya iyo garab ka mid ah xoogagga Ahlusunna ee gobollada dhexe.

SomaliSwiss        Guri-ceel
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: