Advertisements

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta u ambabaxay Dalka Jarmalka Sabab caafimaad awgeed.

Madaxweyne Xasan. oo dhoofayMadaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa maaanta au amabaxay dalka Jarmalka sabab caafimaad awgeed , Warkaas waxaa laga helay Xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Mudane Xasan Sheekh oo lagu waday inuu soo xiro kalfadhiga shanaad ee kulamada baarlmaaanka Soomaaliya  ayaa xalay ka sheegay casho-sharaf xildhibaannada Somalia loogu sameeyay Muqdisho inuusbaan ka qaybgeli karin kulanka lagu soo xirayo kal-fadhiga baarlamaanka Soomaaliya.

Kal-fadhiga shanaad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa manta lasoo xirayaa, inkastoo ay ahayd in bishii hore la xiro, laakiinse ay dib u dhigtay iyadoo aan xukuumadda cusub la ansixin.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha Somalia uu muddo 10-casho ah ku maqnaan doono dalka Jarmalka, iyadoo safarkiisa Jarmalka uu noqonayo kii ugu horreeyay oo uu ku tago dalkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Xamar, iyadoo la sheegayo inuu sii mari doono dalka Turkiga oo ay ku sugan yihiin carruurtiis uuna ug sii gudbi doono dalka Jarmalka.

Sanadkii hore ayay ahayd markii madaxweyne Xasan uu sheegay inuu Turkiga uu u tagay arrimo caafimaad maadaama uu muddo shaqeynayay, isagoo sheegay in caafimaadkiisu uu wanaagsan yahay, kaddib markii ay qaar ka mid ah warbaahintu baahisay inuu xanuun aad u daran hayo.

Si kastaba ha ahaatee, weli madaxtooyada Soomaaliya faahfaahin rasmi ah kama bixin xanuunka uu madaxweynuhu ugu dhoofay alka Jarmalka, iyadoo ay noqonayso markii labaad oo uu safar caafimaad dibaddad ugu baxo tan iyo markii xilka loo doortay.

SomaliSwiss           Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: