Madaxweyne Xasan oo maanta booqasho howleed ku tegay magaalada Dhuuso-mareeb ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha Soomaaliya.jpg6Madaxweynaha Somalia, Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho howleed ku tegay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud.

Mudane Xasan Sheekh ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyanaya wasiirrada arrimaha gudaha iyo kan qorsheynta, C/raxmaan Maxamed Xuseen iyo C/raxmaan Yuusuf Caynte, mas’uuliyiin, xildhibaanno iyo siyaasiyiin kale.

Dhanka kale, Socdaalka madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa wuxuu la xiriiraa uu kuur-gelidda xaaladaha siyaasadda, nabadgelyada iyo arrimaha bulshada ee goboladda dhexe.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha degmada Dhuuso-mareeb ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin, dadweyne farabadan iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynuhu intuu halkaasi joogo wuxuu kulammo kala duwan la yeelan doonaa mas’uuliyiinta, siyaasiyiinta, cuqaasha iyo bulshada ku nool gobolka Galguduud.

Booqashada madaxweynaya ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay ka socdaan degmadaas dadaallo lagu doonayo in maamul loogu dhiso gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Dhanka kale, waxaa degmada Guriceel weli ka socda dagaallo xooggan oo u dhexeeya ciidammo kala taageersan dowladda Soomaaliya iyo kuwa kooxda Ahlusunna Waljamaaca, kuwaasoo aan la ogeyn illaa hadda khasaaraha ay geysteen.

SomaliSwiss      Dhuuso-mareeb
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: