Golaha Wasiirada Cusub oo maanta Kulankii ugu horreeyey ku yeeshee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Golaha Wasiirada CCCRa’iisul wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta shir-guddoomiyay kulankii ugu horreeyay ee golaha wasiirrada xukuumadda oo shalay la ansixiyay, kaasoo diiradda lagu saaray qaabka ugu haboon ee ay golaha wasiirradu ula wareegi lahaayeen xafiisyada wasaaraddahooda.

Mudane Sharma’arke ayaa xusay in kulankan uu ahaa midkii ugu horreeyay ee xubnaha wasiirrada xukuumaddiisa uu la yeesho, isla markaana ay ku kala warqaadanayeen, loona dar-dargelin lahaa howlaha horyaalla xukuumaddda.

Golaha Wasiirada CCC.jpg1Sidoo kale Ra’iisul wasaareSharma’arke ayaa u sheegay Wasiirada in maalintiiba ay shan wasaaradood xilka la wareegi doonaan; si muddo toddobaad ah xil wareejinta aya u dhammaato, wuxuu yiri: “Waxaa Alle mahadiis ah – inaan maanta yeelanay kulankeenii ugu horeeyay kadib markii shalay la ansixiyay lana dhaariyay golaha wasiirrada Soomaaliya, waxaana kaga hadalnay kulanka arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin sidii ay wasiirradu ula wareegi lahaayeen xafiisyada wasaaradahooda”.

Golaha Wasiirada CCCRa’iisul wasaare Sharma’arke ayaa ugu dambeyn, xusay in guddi uu madax u yahay Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda, Maxamed Cumar Carte loo xil-saaray kala wareejinta xilalka, iyadoo ay wasaarad walba wareejin doono wixii agab ah ee ay ku shaqayso haddii ay tahay hantida ma guurtada ah iyo tan guurta intaba, si horey loogu sii dhaqaajiyo howlaha Qaranka.

Si kastaba ha ahaatee, golaha wasiirrada cusub ee Somalia oo ka kooban 66-xubood ayaa waxaa horyaalla howlo badan oo hakad ku yimid, kuwaasoo ay ugu muhiimsan yihiin dhameystirka dhismaha maamullada gobollada iyo in dalka la gaarsiiyo doorasho sannadka 2016-ka.

SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: