Ciidamada Badda Soomaaliya oo Maanta u dabaal-dagay sanad guuradoodii 50-aad markii la-aas aasay.

ciidanka-badda-TFGCiidamada Badda Soomaaliya ayaa maanta xusay sannad-guuradii 50-aad ee kasoo wareegtay xilligii la aasaasay oo ku beegnayd sannadkii 1965-kii, inkastoo uu burbur xooggan ku yimid markii la riday dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Munaasabadda xuska aasaaskii ciidamada badda Soomaaliya ayaa waxaa ka qayb-galay saraakiil kala duwan oo ka socda ciidamada dowladda sida kuwa millateriga, cirka iyo badda, iyadoo uu goobjoog ka ahaa sii-hayaha wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, wasiirka cusub ee wasaaradda gaashaandhigga iyo mas’uuliyiin ka socday dalalka Imaaraadka Carabta iyo Turkiga.

Ciidanka baddaCiidamada badda Somalia ayaa soo bandhigay intii xafladdu socotay gaaddo-ka-ciyaar iyo dhoolla-tus ay ku muujinayeen tababarka la siiyay sida ay uga howl-geli karaan xeebaha Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada Badda Soomaaliya, Admiral Maadey Nuurey Sheekh (Ufurow) oo ka jeediyay khudbad munaasabadda ayaa hambalyo u diray ciidamada badda Somalia, isagoo ka hadlay marxaladihii ay soo mareen ciidamada badda tan markii la aasaasay.

Ciidanka badda.jpg2Ugu dambeyn, Admiral Ufurow ayaa fariin u diray madaxda dowladda Somalia; isagoo ka dalbady in ciidmadda badda ay u baahan yihiin tababaro sare loogu qaadayo aqoontooda, wuxuuna xusay inay xaalad adag ciidanku ku shaqeeyaan; aysanna ka muuqan xirfadii iyo aqoontii ciidamadii hore ee badda Soomaaliya lagu yiqiinnay.

SomaliSwiss               Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: