Advertisements

Wufuuda ka socotay Bangiga Islaamka oo Gargaarka u Qaybiyay barakacayaal ku sugan degmada Baydhabo.

qaybin Raashiin.jpg1Wufuud ka socotay Bangiga Islaamka ayaa u qaybiyey dadkan raashinka gargaar ahaanta ay ugu keeneen, waxaana goobta raashinka lagu bixinayay ilaalo ka hayay ciidamada amniga dowlada iyo kuwa ka socda dalka Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Mudane Xasan Macallin Biikole oo goobta raashinka lagu qaybiyay ka hadlay ayaa u mahadceliyay wafuudda ka socota bangiga Islaamka, iyadoo magaalada ay ka jirto xaalad bani’aadam-nimo oo haysata barakacyaal fara badan oo ka yimid gobolka Bakool.

Sidoo kale, wafdigan ayaa waxay kulammo la qaateen madaxda maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed Somalia, iyagoo ka hadlay sidii loo ballaarin lahaa howlaha gargaarka ee bangiga Islaamku uu ugu talo-galay dadka ku nool gobollada uu maamulkan ka taliyo.

Magaalada Baydhabo oo xarun u ah gobolka Bay ayaa toddabaadyadii lasoo dhaafay waxaa soo gaarayay hay’ado samafal iyo wufuud ka socata Caalamka, kuwaasoo kulammo kala duwan la yeelanayay madaxweynaha Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo golahiisa wasiirrada.

Dhanka kale, wararka naga soo gaaraya degmada Buurhakabo ayaa waxay sheegayaan inay halkaas ka jirto biyo la’aan xooggan; iyadoo halkii barmiil oo biyo ah la kala siisanayo lacag dhan 120,000 illaa 150,000 oo shillinka Soomaaliga ah,

Magaalada Buurhakabo oo ka tirsan gobolka Bay ayaan lahayn ceelal ay ka dhaansan karaan dadku biyo, iyadoo shacabku ay biyaha ka helaan waro ku yaalla buurta weyn ee degmadu caanka ku tahay.

SomaliSwiss           Baydhabo
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: