“Innaa Lillaahi Waa Innaa Illeyhi Raajicuun“, TACSI TIIRAANYO LEH.

Tacsi_MuuseAllaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday Muuse Nuur Amiin oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda Soomaaliya, iyadoo Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka ay ka tacsiyadeeyeen geerida Marxuumka.

Sidoo kale, Bahda Shabakada SomaliSwiss iyo Beelweynta Gaaljecel ee ku dhaqan dalkan Switzerland, waxay si wada jir ah tacsi uga dirayaa ehelada iyo asaxaabta uu ka geeriyooday Muuse Nuur Amiin oo saaka ku geeriyooday isbitaalka Recep Tayyip Erdoğan ee magaalada Muqdisho.

“Innaa Lillaahi Waa Innaa Illeyhi Raajicuun, Marxuum Muuse Nuur Amiin oo bilihii la soo dhaafay uu xanuunsanaa, inkasta oo isbuucaan uu darsaday.
“Marxuumka waxa uu soo qabtay xilal kala duwan, sida Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha, Xildhibaan hore iyo xilal kale oo uu ka soo qabtay dowladdii dhexe”.

Haddaba Bahda Shabakada SomaliSwiss (Website) iyo Beelweynta Gaaljecel ee ku dhaqan dalkan Switzerland, waxay Marxuumka Alle uga baryayaan inuu Jannadii Firdoosa ka waraabsho, Annaga iyo hellaadiis iyo qaraabadiisba Samir iyo Iimaan naga wada siiyo.

AAMIIN AAMIIN AAMIIN

SomaliSwiss       Zürich
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: