Hiba Maxamed (Hiba Nuura) oo joojisay Heesaha muusigga leh.

hiba nuura1Fanaannadda Caanka ah ee Soomaaliyeed Hiba Maxamed oo ku magac dheer Hiba Nuura ayaa sheegtay in ay go’aansatay in wejiga Alle dartii ay uga harto Heesaha muusigga lasaaro. HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA

Hibo oo u warramay Laanta Af-Soomaaliga ee BBC waxay sheegtay in muddo ay ku soo tallamaysay sidii ay ku joojin lahayd muusigga oo ay sheegtay in aanay ahayn wax wanaagsan sida culimadu ay sheegtay.

Hibo Maxamed oo muddo konton sano ku dhaw ku jirtay fanka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay weli diyaar u tahay suugaanta waddanka iyo dhiiri gelinta balse aanay muusig danbe ku qaadi doonin hees.

Fanaannaddu waxay sheegtay in aanay dhiirrineyn heesaheeda in la saaro ama la qaado, laakiin waxay sheegtay in wixii suugaan ah ee wax u taraya dalka iyo diinta ay sii wadi doonto.

Go’aankan ay Hiba Nuura qaadatay waxaa ka warreystay Farxaan Maxamed Jimcaale.

hiba nuura

Source: BBCSomali

%d bloggers like this: