R/wasaaraha oo la filayo inuu caawa ku dhawaaqo xubnaha ka harsan golaha wasiirada xukuumadiisa.

villa somaliyaXarunta madaxtooyada Qaranka ee Villa Soomaaliya ayaa waxaa hadda ka socda qaban qaabada munaasabadda uu R/wasaaruhu ku soo dhameeystirayo xubanaha gobolaha wasiirrada.

Wariyayaasha ayaa looga yeeray madaxtooyooda si ay goob joog uga noqdaan munaasabadda uu R/wasaaruhu kusoo bandhigayo liiska xubnaha ka harsanaa golahiisa wasiirrada.

Caawa ayaa lagu wadaa in R/wasaaruhu ku dhawaaqo magacyada xubnaha ka harsanaa wasiirrada magacaaban.

R/wasaare Cumar C/rashiid ayaa bishii hore magacaabay Labaatan wasiir, waxaana rajadu tahay in uu caawa soo dhameystiro xubnaha golaha wasiirrada ee xukuummaddiisa.

SomaliSwiss Muqdisho.

%d bloggers like this: