Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta cod u qaadaya Hindise sharciyeedka doorashooyinka

Kulanka BaarlamaankaXildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeelanayaan xarunta golaha shacabka kaga hadli doono cod u qaadidda hindise sharciyeedka doorashooyinka.

Xildhibaan Maxamed Cumar oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka, oo la hadlayWarbaahinta ayaa sheegay in ajandaha maanta uu yahay u codeynta dhismaha guddiga doorashooyinka Madaxa banaan.

Xildhibaanka oo ka hadlayey arrintan wuxuu yiri: “Maanta oo Arbaco ah waxaa jira kulanka baarlamaanka, haddii aan u sii guda galo ajandaha waxa uu yahay u codeynta hindise shaciyeedka doorashooyinka, sida aad ka warqabtaan kulankii 32aad ee baarlamaanka ee qabsoomay 28-kii Janaayo waxaa la soo gabo gabeeyay akhrinta saddexaad ee dhismaha doorashooyinka Madaxa banaan, marka maanta iyaga ayaa loo codeynayaa”.

SomaliSwiss       Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: