Banaanbax Maanta ka dhacay Afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya

Bannaanbax Nairob6Haween ka mid ahaa xaasaska saraakiishii ciidamada Milateriga Somalia ee shaqada laga ruqseeyay ayaa maanta dibadbax ka hordhigay xarunta madaxtooyada Somalia ee Muqdisho.

Haweenka oo ahaa kuwo ka careysan shaqo ka eryidda raggooda ayaa waxay muddo ka dib ay dhagaxyo dhigeen aqalka madaxtooyada Somalia, kaddib markii ay iska dhego-tireen in ay maqlaan cabashadooda.

Dad ka ag-dhawaa ayaa u warramay warbaahinta waxayna sheegeen in ciidanka millateriga ay daqiiqado kaddib rasaasta nool-nool u isticmaaleen kala eryidda haweenkan dibabaxa dhigayay, iyadoo haweenkuna ay billaabeen inay dhagaxyeeyaan ciidamadii milateriga ee kala eryayay.

Sidoo kale, haweenkii bannaanbaxa dhigayay ayaa la sheegay in qaarkood ay qabteen ciidamada loona taxaabay xabsiyada Muqdisho qaarkood, sabab ku aaddan inay dhigayeen dibadbax aysan ruqsad u haysan.

“Haweenka qaarkood waxaa lagu ururiyay gaadiidka shabaqlaha loo yaqaan; iyadoo loo qaaday xabsiyada,†ayuu yiri goobjooge ka mid ahaa dadkii saaka la kulmay dibadbaxa.

Ma jirto illaa hadda cid wax ku noqotay rasaastaas, iyadoo sidoo kalena weli aysan ka hadlin taliska ciidamada, wasaaradda gaashandhigga iyo madaxda dalka dibadbaxa cabashada ah ee ay haweenkan dhigeen.

SomaliSwiss        Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: