Madaxda Qaranka Soomaaliya oo tacsi u dirtay Ehelladii uu ka geeriyooday Marxuum Xuseen Sh. Axmed Kadare.

Cumar-Cabdirashiid.jpg1Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Barlamaanka Mudane Jawaari iyo Ra’iisal-wasaare Sharmarke ayaa waxay si gooni gooni tacsi u direen qoyskii, ehaladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Xuseen Sheekh Axmed Kadare oo ahaa halgamaa taariikhda Soomaaliya baal dahab ah ka galey.

”Innaa Lillahi waa Inaa Ileyhi Raajicuun. Aad ban uga naxay geerida marxuum Kadare. Waan hubaa inuu kayd dhaxal gal ah uga tegey shacabka Soomaaliyeed. Kaalintii uu ka qaatey halganka gobanimadoonka, suugaanta iyo gacantii uu ka geystey dadaalkii la doonayey in lagu qoro farta Soomaaliga, waa kuwo mar walba lagu xusi doono diiwaanka dadka naftooda u hurey inay waddankan horumar gaarsiiyaan”.

Marxuum Xuseen Sheekh Axmed Kadare , oo saaka ku geeriyooday isbital ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa hawlihii u ku caanka ahaa waxaa ka mid ah suugaanta, horumarinta afka Soomaaliga, cilmi baarista dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed iyo weliba nabadeynta.

Madaxda Qaranka ayaa marxuumka Allah uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

SomaliSwiss         Muqdisho
SomaliSWiss@hotmail.com

%d bloggers like this: