Alle ha u Naxriistee Xuseen Sh. Axmed (Kadare) oo ka mid ahaa aqoonyahannadii Soomaaliyeed ee af-Soomaaliga wax ka qoray ayaa maanta ku geeriyooday Muqdisho.
Marxuumka ayaa la sheegay inuu muddooyinkii dambe xanuunsanaa iyadoo la sheegay in maanta barqadii uu ku geeriyooday isbitaalka ku yaalla caasimadda Somalia, waxaana goor sii horreysay loogu qaaday caafimaad waddanka Imaaraadka Carabta, inkastoo Muqdisho dib loogu soo celiyay.
Sidoo kale, marxuumka ayaa muddooyinkii u dambeeyay jiifay isbitaalka uu maanta barqadii ku geeriyooday oo lagu magacaabo Ummadda, iyadoo aan la sheegin cudurka uu rasmi ahaan u geeriyooday marxuum Kadare.
Marxuumku wuxuu ahaa aqoonyahan wax kasoo bartay jaamacaddo badan oo caalamka ah ku yaalla, wuxuuna ku takhasusay cilmiga afafka.
Waqtigii dowladdii dhexe ee Kacaanka Soomaaliya wuxuu ahaa madaxii Akadeemiyada cilmiga, fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed ee Muqdisho. Wuxuuna xilliyadii dambe si aad ah ugu howlanaa horumarinta afka Soomaaliga.
SomaliSwiss           Muqdisho
SomaliSWiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.