Dagaal Culus oo ka dhacay Deegaanka Ceel-baar ee Gobolka Bakool, una dhexeeyey Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al-Shabaab.

Ciidamada Xoogga DalkaWar naga soo gaaray magaala Madaxda Gobolka Bakool ee Xuddur ayaa sheegaya in Deegaanka Ceel-baar uu ka dhacay dagaal culus oo ciidamada dowladda Soomaaliya, AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray gobolka Bakool, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 11-qof oo ka wada tirsan dhinacyadii dagaalka u dhexeeyay, waxaana ku dhaawacmay 19 kale.
Continue reading

Midowga Yurub oo Sheegtay inay Soomaaliya ka caawinayso sidii loo soo celinta kala dambeynta iyo Amniga.

eutmMidowga Yurub ayaa Sheegtay inay Soomaaliya ka caawinayso sidii loo soo celinta kala dambeynta iyo Amniga, ayna sii wadayso taageerada ciidamada Soomaaliya ay siinayso, si loo soo af-jaro xasillooni-darrada ka jirta Geeska Afrika. Continue reading

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Somaliland Mudane Siilaanyo oo Isku-shaandheyn ku Sameeyay Golihiisa Wasiirada.

SiinlaayoMadaxweynaha Somaliland Axmed Max’ud Max’ed Siilaanyo, ayaa xalay saqdii dhexe isku shaandheyn ku sameeyey golihiisa wasiirada iyo agaasimeyaasha guud, waxaanu qaar xilkii ay hayeen ka qaaday qaarna isku bedel ku sameeyey. Continue reading

Saraakiil la tirsan Ciidanka AMISOM oo booqasho lu tegay degmada Cadaado ee tirsan Gobolka Galguduud.

AMISOMDegmada Cadaado oo ka tirsan gobolka Galguduud ee bartamaha Somalia laguna qabanayo shirka maamulka loogu sameynayo gobollada dhexe ee Somalia ayaa waxaa markii ugu horreysay tagay saraakiil iyo ciidammo ka tirsan AMISOM. Continue reading

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Qorshaha dowladda, Qaraxii Hotel Central iyo gurmad loo fidinayo dhaawacyadii.

Golaha Wasiirada Cusub.jpg1Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka caadiga ah ee Golaha Wasiirada, waxaana looga hadlay Xaaladda caafimaad ee dadkii ku wax yeeloobay weerarkii waxashnimo ee Nabad diidku ay ku qaadeen Hotel Central, Xaaladda guud amniga dalka iyo qorshaha Xukuumadda ee sanadka 2015 iyo 2016. Continue reading

Xaflad balaaran oo lagu daah-furayay Xisbi cusub oo maanta lagu qabtay Caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Xisbi CusubXaflad balaaran oo lagu daahfurayay Xisbi cusub oo loogu magac-daray Kulan ayaa maanta lagu qabtay Caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana munaasabadda ka qaybgalay Aasaasayaasha Xisbiga, xildhibaanno, siyaasiyiin, odayaaal dhaqan, aqoonyahanno iyo bulshada rayidka. Continue reading

Magaalada Muqdisho oo maanta ka dhacay Dibadbax looga soo Horjeedo Joojinta Xawaaladaha ee dalka Mareykanka.

Bannaanbax MuqdishoBannaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo xayi-raadda xawaaladaha Soomaalida ee Mareykanka ayaa maanta ka dhacay Muqdisho, iyadoo boqolaal qof oo ka qaybgalay dibadbaxan ay ku urureen taallada Daljirka Dahsoon. Continue reading

Madaafiic dad ay ku dhinteen oo lagu Weeraray Madaxtooyada Soomaaliya.

villa somaliaMadaafiic aan la ogeyn halka laga soo tuuray ayaa maanta ku soo dhacay gudaha xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ku dhintay hal qof mid kalena waxaa ka soo gaaray dhaawac fudud, sida ay sheegeen saraakiisha amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya. Continue reading

Dowladda Soomaaliya oo Heshiis la Saxiixatay Bangiga Horumarinta Afrika iyo Ururka IGAD

Somalia & Bankiga AUWasiirka maaliyadda Soomaliya, Maxamed Aadan Ibraahim ayaa heshiis saddex geesood ah kula saxiixday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya – Bangiga Horumarinta Africa iyo Urur Goboleedka IGAD, kaasoo qayb ka ah dadaalada lagu doonayo in lagula tacaalo abaaraha kusoo noq-noqda gobolka. Continue reading

Murankii keenay Khilaafka u dhexeeyay Xukuumada Mareykanka iyo Israa’iil oo sii Kordhay.

iStock 20492165 MD - American and Israeli flagsMurankii keenay Khilaafka u dhexeeya Barack Obama iyo Benjamin Netanyahu ayaa sii kordhay, kadib markii Ra’iisul wasaaraha Israa’iil uu ku eedeynaya dalka Mareykanka iyo awoodaha kale ee dunida inay ka tanaasulayaan dadaallada lagu joojinayo in Iiraan ay sameysato hubka Niyuukleerka. Continue reading

Shirkii looga hadlayay Dib u habeynta iyo kor u qaadista Afka Soomaaliga oo maanta la soo gabagabeeyey…..

Shirka AfsoomaaligaShirkii looga hadlayay Dib u habeynta iyo kor u qaadista Afka Soomaaliga ee Maalmahaan ka socday Magaalada Muqdisho ayaa maanta la soo gabagabeeyey, waxaana ka soo qayb galay Xiritaankiisa Xubno ka tirsan wasiirada Xukuumada Soomaaliya waxaana ka mid ahaa wasiirka Wasaarada Warfaafinta hidaha iyo Dalxiiska Soomaaliya iyo Wasiirka Wasaaradda Islaamka Dhaqanka iyo Awqaafta Janhuuriyada Jabuuti, iyadoo halkaas lagu soo bandhigay War Murtiyeed dhowr iyo Toban Qodob ka kooban oo laga soo saaray Shirkaas. Continue reading

Wasiirka Cusub warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Maanta xilka Wasaaraddaas la wareegay, isagoo goob-joog ka ah RW CCC Sharma’arke.

Xilwareejin.jpg1.jpg12Munaasabad uu xilka kula wareegayay wasiirka warfaafinta xukumadda Somalia, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka dhacday Muqdisho, iyadoo munaasabadda uu ka qaybgalay ra’iisul wasaare, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyadoo uu xilka wasaaradda wareejiyay wasiir ku xigeenka wasaaradda, isla mar ahaantaana ahaa wasiir ku xigeenkii hore ee warfaafinta, C.llaahi Colaad Rooble. Continue reading

Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweeysay Safiirka Cusub oo Madaxweyne Obama u soo magacaabay Soomaaliya.

Ra’iisul-wasaare Cumar Cabdirashiid Cali.jpg1Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa soo dhaweeyay magacaabista uu Madaxweynaha Mareykanka Obama u soo magacaabay safiirka Mareykanka ee Somalia, Katherine S. Danani oo noqonaysa tii ugu horreysay oo Soomaaliya loosoo magacaabo muddo 24-sano ka badan. Continue reading

Madaxweyne Obama oo Dalka Soomaaliya u soo Magacaabay safiirkii ugu Wakiilka noqon lahaa……..

ObamaMadaxweynaha Mareykanka, Barack Obama ayaa markii u horreysay Danjire u soo magacaabay dalka Somalia tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991-kii, iyadoo tani ay tahay tallaabo xoojinaysa xiriirka Somalia iyo Mareykanka. Continue reading

Madaxweynaha Kaltanka Switzerland oo booqasho rasmi ku tegi doonta khamiista soo socoto dalka Lussemburgo.

Simonetta SommarugaMadaxweynaha Kaltanka Switzerland Simonetta Sommaruga ayaa booqasho rasmi ku tegi doonta khamiista soo socoto dalka Lussemburgo,waxayna shirar gaar gaar ah la yeelan doontaa Ra‘iisalwasaare Xavier Bettel iyo Mas’uuliyiin kale ee dowladda dalka Lussemburgo, sidaas waxaa laga soo saaray Xafiiska Waaxda Federaalka Cadaaladda iyo Booliska. Continue reading

Laba Caruur Mataano isku-dheggan ah oo Gobolka Texas ee dalka Mareykanka lagu kala Saaray.

Caruur isku dhegganWanaag-Sheeg iyo laab la kacii magaalada Houston ayaa haatan ka rumowday Isbitaalka Caruurta Texas, “Texas Children Hospital” halkaas oo lagu dhabiibayey laba Caruur Mataano isku-dheggan.

Howsha kala saaridda laban Caruur oo ahayd mid aad khatar ayaa lagu guuleystay toddobaadkii hore, waxayna howsha qalitaankaas ay qaadatay 26tan Saac. Continue reading

Madaxweynaha Dalka Jabuuti oo ka hadlay Hanjabaad kasoo yeertay Al-shabaab iyo safarkii uu ku tagay Soomaaliya.Madaxweyna

Madaxweynayaasha Somalia Jabuti.jpg2Madaxweynaha Dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay markii ugu horreysay hanjabaadii Al-Shabaab ee ahayd inay weerarayaan suuqyada ganacasi ee dalalka reer galbeedka, isagoo ku tilmaamay hanjabadaas mid waxba kama jiraan ah. Continue reading

Ciidanka Asluubta oo maanta u dabbaal degay sanad-guurad 45aad ee ka soo wareegtay aasaaskooda.

Ciidanka Asluubta.jpg3Munaasabad lagu maamuusayay 45-guuradii kasoo wareegtay aasaaska ciidamada Asluubta Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, iyadoo uu ka qayb-galay Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud iyo saraakiil ka tirsan kuwa ciidamada Soomaaliya. Continue reading

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo Kormeeray Xarun cusub loo dhisayo Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

Wasiirka cusub gaashandhigga.JPG1Wasiirka difaaca Soomaaliya, C/qaadir Shiikh Cali Diini ayaa maanta kormeer howlleed ku tagay xarun laga dhisayo kulliyadda saraakiisha xoogga dalka, waxana kormeerkiisa ku wehlinayay taliyaha ciidamada xogga, Jen. Daahir Aadan Cilmi iyo saraakiil kale. Continue reading

Safiirka dowladda Turkiga ee Somalia oo maanta booqasho tagay magaalada Kismaayo ee G/Jubbada Hoose.

Turki KismaayoWafdi uu horkacayay danjiraha dowladda Turkiga ee Soomaaliya Olgan Bekar iyo xubno ka tirsan safaaradiisa ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo iyadoo ay kulamo la qaateen madaxda ugu sareeysa ee maamulka Jubbaland. Continue reading

Wararkii ugu danbeeyey ee Dabkii maanta ka kacay bakhaaro lagu kaydiyo shidaalka oo ku yaalla xaafada Black Sea ee degmada Hodan.

DabDab khasaare hantiyeed oo aad u badan geystay ayaa maanta ka kacay bakhaaro shidaalka lagu kaydiyo laguna iibiyo oo ku yaalla xaafada Black Sea ee degmada Hodan. Continue reading

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta safar caafimaad u aaday wadanka Jarmalka.

Guddoomiyaha baarlamaanka.jpg3Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari ayaa maanta safar caafimaad u aaday wadanka Jarmalka, halkaasoo todobaadkii hore uu Madaxweynaha Soomaaliya u tagay baaris caafimaad. Continue reading

Dab xooggan oo maanta barqadii ka kacay Bakhaaro lagu kaydiyo shidaalka oo ku taalla xaafadda Black Sea ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

MuqdishoDab xooggan ayaa maanta barqadii ka kacay Bakhaaro lagu kaydiyo shidaalka oo ku taalla xaafadda Black Sea ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Continue reading

Ra’iisul Wasaare Cumar C/Rashiid oo maanta booqday dhaawacyada ku jira Ex Isbitaal Digfeer.

PM Somalia.JPG2Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arkeayaa ayaa waxaa maanta booqashada uu ku tagay Isbitaalka Erdogan (Ex Isbitaal Digfeer), waxaana booqashadiisa ku wehlinayey wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, iyagoo booqashadooda ka bilaabay qeybta ay ku jiraan dhaawacyadii ku soo waxyeelloobay Qaraxii 20-kii bishan ka dhacay Hotelka Central ee magaalada Muqdisho. Continue reading

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo ugu baaqay shacabka Hiiraan in ay u diyaar garoobaan hirgelinta habka Federaalka.

Billad qiimo leh.jpg1Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti, Xasan Sh. Maxamuud iyo Cismaal Cumar Geelle ayaa ku baaqay in loo diyaar garoobo sidii looga qayb-qaadan lahaa maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo si aad ah looga hadlayay xilliyadii dambe. Continue reading

Wafdigii labada Madaxweyne Somalia iyo Jabuuti oo si heer sare loogu soo dhaweeyey magaalada Baladweyne ee G/Hiiraan.

Hiiraan.jpg2Wafdigii Madaxweynayaasha Somalia iyo Jabuuti Xasan iyo Geelle ayaa waxay maanta gaaray magaalada Baladweyne ee G/Hiiraan, halkaas oo si heer sare loogu soo dhaweeyey.
Continue reading

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti, Xasan Sheekh iyo Ismaaciil Geelle oo Maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Madaxweynayaasha Somalia Jabuti.jpg7Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasoo madaxweynahyaasha si weyn loogu soo dhaweeyay. Continue reading

Shir looga hadlay aayaha gobolka Hiiraan oo shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho.

???????????????????????????????Shir ay isugu yimaadeen aqoonyahanno, waxgarad, haween iyo dhallinyaro reer Hiiraan ah loogana tashanayay maamul u sameynta gobolka Hiiraan, nabadeynta iyo dib u heshiisiinta reer Hiiraan iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha gobolka Hiiraan ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho 20-kii Feberaayo. Continue reading

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti oo Xalay la guddoonsiiyey biladda ugu sareysa dalka Soomaaliya.

Billad qiimo lehMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa biladda ugu sareysa dalka guddoonsiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo booqasho ku jooga magaalada Muqdisho. Continue reading

Xuska Maalinta Afka Soomaaliga oo Maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho iyo deegaanada ay degto Soomaalida.

Madaxweynayaasha Somalia JabutiXuska maalinta caalamiga ah ee Afka Hooyo iyo barnaamij loogu magac-daray xuska toddobaadka afka Soomaaliga ayaa maanta lagu Qabtay Muqdisho, iyadoo ay ka qaybgaleen madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, afhayeenka baarlamaanka Somalia, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari, wasiirro labada dal ka socda iyo marti-sharaf kale.
Continue reading

%d bloggers like this: