Ra’iisul-wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo Barlamaanka weydiistay in la siiyo muddo dheeraad ah.

PM Omarr AbdirashidWaxaa maanta oo Sabti ah lagu waday in xukuumadda cusub ee Soomaaliya loo qaado kalsoonida ay ku shaeyn lahay, sidaas dareed wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho waxay sheegayaan in dib u dhac ku timaaday ansixinta xukuumadda, isla markana Ra’iisul wasaaraha Somalia uu weydiistay Baarlamaanka muddo dheeraad ah.

Wararka ay HOL helayso ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu u gudbinayo baarlamaanka warqad uu ku dalbanayo in dib loo dhigo qorshaha xukuumaddiisa lagu hor-keenayo baarlamaanka Soomaaliya.

“Ra’iisul wasaaraha Somalia wuxuu u gudbinayay baarlamaanka Soomaaliya qoraal uu ku weydiisanayo in muddo shan illaa toddoba casho ah oo cusub la siiyo si xilligaas kaddib uu u horkeeno baarlamaanka Soomaaliya xukuumaddiisa,” ayuu HOL u sheegay mas’uul ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Codsiga Ra’iisul wasaaraha ayaan la ogeyn sida uu baarlamaanku ka yeeli doono, iyadoo ay u ballansanaayeen xildhibaannadu inay manta codka kalsoonida ah u qaadaan wasiirrada cusub ee uu soo magacaabay Sharma’arke.

Xukuumadda cusub ee Soomaaliya oo ka kooban 20-wasiir ayaa waxaa 27-kii bishan ku dhawaaqay ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid, iyadoo codsiga ra’iisul wasaaraha uu ku dalbanayo xilliga dheeraadka ah ay noqonayso tii labaad ee uu baarlmaanka ka dalbado.

SomaliSwiss            Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: