Madaxweyne Xasan Sheekh oo wakaaladda wararka Anadolu ee dalka Turkiga u sheegay in dowladda Soomaaliya ay burburisay xoogga Xarakada Al-shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya.jpgzMadaxweyne Xasan Sheekh oo wakaaladda wararka Anadolu ee dalka Turkiga u sheegay in dowladda Soomaaliya ay burburisay xoogga Xarakada Al-shabaab.

Mudane Xasan Sheekh ayaa xusay in ciidamada dowladda ay gacanta ku dhigeen meelo badan kuwaasoo horay ay u maamuli jirtay Al-shabaab.

Madaxweynuhu wuxuu intaa ku daray inay la kaashadeen dagaalka looga soo horjeedo Al-shabaab AMISOM; wuxuuna xusay in nabadgalyadu ay hadda kusii baahayso Somalia oo dhan.

“Ciidamada dowladda Somalia oo kaashanaya kuwa AMISOM haatan waxay ka taliyaan deegaanno badan oo dalka ah. Iyadoo Al-shabaab meelo aad u kooban ay haatan ku sugan yihiin,” ayuu wareysigiisa ku yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in badda Somalia ay aad u wanaagsan tahay, dadkuna intooda badan ay dareemayaan inay nabad ku joogaan deegaannadooda oo markii hore ay ka barakaceen.

Al-shabaab ayaa dhankeeda sii wada weerarrada ay ka geysanayso goobaha ay dowladdu ka taliso oo ay Muqdisho ku jirto, kuwaasoo beegsanaya goobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xarumaha dowladda iyo hoteellada Muqdisho ee ay ku sugan yihiin madaxda dowladda iyo wufuudda caalamiga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku tilmaamay boqoashadii wafdigii uu hoggaaminayay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ay ku yimaadeen Muqdisho mid taariikhi ah.

“Turkigu waa walaalo muhiim u ah Soomaaliya,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo intas raaciyay, “Waxaan soo dhaweynayaa dadaalka madaxweynaha ee ku aaddan caawinta dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.”
Ugu dambeyn, Xasan wuxuu sheegay in xiriirka Turkiga iyo Somalia uu yahay mid horay u socda, ayna iska kaashanayaan labada waddan dhinacyo badan oo ay horumarinta dalka ku jirto.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayaa u muuqatay sannadkii tagay mid kasoo raynaysay marka loo eego dhanka amniga, iyadoo dowladda Somalia ay qorsheynayso in sannadka 2016-ka ay dalka ka dhacdo doorasho xor ah.

SomaliSwiss         Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: