Advertisements

Ergayga Midowga Yurub ee Geeska Afrika oo walaac ka muujiyay xasilloonni-darrada siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya iyo waxa ka dhalan kara.

Alexander RondosErgayga Midowga Yurub ee Geeska Afrika, Alexander Rondos iyo danjiraha Midowga Yurub ee Somalia, Michele Cervone d’Urso ayaa walaac ka muujiyay xasilloonni-darrada siyaasadeed ee Soomaaliya ka taagan iyo waxa ka dhalan kara.

Midowga Yurub ayaa ku qaabay in la dhamaytiro dhisidda xukuumadda oo u baahan codka baarlamaanka si ay u shaqo billowdo xilli uu dhammaad yahay fadhiga baarlamaanka.

“Waxaan ugu baaqaynaa madaxweynaha Somalia, ra’iisul wasaarahaha iyo baarlamaanka inay u midoobaan hadafka lagu gaarsiinayo Somalia doorasho xor ah sannadka 2016-ka, iyadoo xukuumadda cusub loo oggolaanayo inay dalka ku hoggaamiso ujeeddooyinka la higsnayo,” ayaa lagu yiri warka Midowga Yurub ay soo saartay.

Sidoo kale, warkan ayaa lagu xusay warkan kasoo baxay EU-da in la joogo waqtigii la dhameystiri lahaa tallaabooyinka aasaaska u ah dowlad dhisidda Somalia, nabadgalyada iyo sidoo kale dhameystirka dastuurka dalka.

Ugu dambeyn, Midowga Yurub ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay ka gacan-siiyaan Soomaaliya sidii ay u dhisan lahaayeen hay’adahooda dowliga ah.

SomaliSwiss Addis Ababa
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: