Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya oo gaaray Addis ababa, kana qayb-galaya shirka Ururka Midowga Afrika.

Madaxweyne Xasan AddisMadaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa kgaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, halkaas oo uu kaga qeybgelayo kulan madaxeedka Midowga Afrika oo dhacaya 30-ka illaa 31-ka.

Maadaxweynaha oo wafdigiisa ay ku wehliyaan mas’uuliyiin sare oo dowladda ka tirsan ayaa shirka Midowga Afrika ka sokow la filayaa inuu kulamo la qaato madaxda Afrika qaarkood, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, iyo diblomaasiyiin kale oo shirka ka qeybgalaya.

Sidoo kale, shir madaxeedkii wasiirrada arrimaha dibadda ee Midowga Afrika ayaa waxaa Soomaaliya uga qaybgalay, wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Bayle.

Ka-qaybgalka shirkan uu ka-qaybgalayo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa kusoo beegmaya iyadoo habeen ka hor uu Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid ku dhawaaqay golaha wasiirrada cusub .

Ugu dambeyn, shir madaxeedka ururka Midowga Afrika oo Itoobiya ka dhici doona ayaa la filayaa in lagu lafa-guro arrimo badan oo Qaaradda Afrika khuseeya, gaar ahaan Soomaaliya.

SomaliSwiss       Addis ababa
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: