Maamulka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo u qeybiyay deeq raashin ah dadka degan degmadaas iyo dad reer guuraa ah.

Qaybin RaashiinMaamulka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo u qeybiyay deeq raashin ah dadka degan degmadaas iyo dad reer guuraa ah, dadkaas oo ku dhibateysnaa degmada Maxaas ayaa waxaa la siiyey raashin isugu jirta bur iyo sonkor.
Gudoomiyaha degamda Maxaas Mudane Muumin Maxamed Xalane oo warbaahnta la hadaly ayaa sheegay in qoyskiiba la siiyay 50kg oo isugu jira bur iyo bariis isagoo sheegay in si cadaalad ah ay u qeybiyeen raashinkaasi.

 Maamulka degmada Maxaas ayaa sheegay in raashinkaasi uu yahay mid aan dabooli karin baahida ka jirta deegaanka, wuxuna gar-gaar ka dalbay hay’addaha gar-gaarka iyo dowlada Soomaaliya in ay la soo gaaraan dadkaasi oo uu sheegay gar gaarka ay siiyeen in uu yahay mid aan dabooli Karin baahiyaha ay qabaan.

Mudane Muumin Maxamed ayaa ugu danbeyntii wuxuu yiri: “Waa gar gaarkii ugu horeeyay oo la gaarsiiyo degamada Maxaas ee gobolka Hiiraan muddo sanado ah oo ay ku amar ku taagleynayeen argagaxisada Al Shabaab kuwaa oo u diiday dadkaasi nolosha, inkastoo deeqda la gaarsiiyay maxaas ay ka dhigan tahay Badweynta oo cirbib ku dhacday“.

SomaliSwiss         Maxaas
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: