Advertisements

Xildhibaannada Baarlamaaanka Soomaaliya oo maanta ka dooday dhismaha Guddiga madax-bannaan ee doorashooyinka.

Barlamaanka Soomaaliya.JPG3Xildhibaannada Baarlamaaanka Somalia ayaa maanta ka dooday dhismaha guddiga madax-bannaan ee doorashooyinka, iyadoo xildhibaanadu ay talooyin ka dhiibteen akhrintii saddexaad ee hindise sharciyeedka guddiga doorashooyinka.

Sidoo kale Xildhibaannada kulanka ka hadlay ayaa qaarkood soo jeediyay in guddigan dhismihiisa si xoogan looga shaqeeyo, maadaama uu yahay guddi muhiim u ah dalka, isla markaana lasoo xulo shaqsiyaadka howl-kar ah.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ahaa xubnihii baarlamaanka ee talooyinka dhiibtay ayaa sheegay in xildhibaannada ay dar-dar-geliyaan dooda hindise sharciyeedkan, si loo meel mariyo.

Intaas kadib guddoomiyaha baarlamaanka, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in xubnaha baarlamaanka ay dulqaad muujiyaan, isla markaana ay ka shaqeeyaan sidii loosoo gaba-gabeyn lahaa shaqooyinka u yaalla, sida hindise sharciyeedyada muhiimka ah.

Dhanka kale, Prof. Jawaari ayaa sheegay in ka hor shanta bisha Febraayo ee soo socota la meel-mariyo dhammaan hindise sharciyeedyada horyaalla baarlamaanka, xilligaa oo ay xildhibaannadu ay galayaan fasax xilliyeedkoodii caadiga ahaa.

Si kastaba ha ahaatee, berri oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in xubnuhu ay cod u qaadaan hindise sharciyeedka hanti-dhowrka Qaranka, kaasoo horay u soo maray dhamaan sadexdii akhrin ee sharciga ahaa sida uu qabo xeerka baarlamaanka Soomaaliya.

SomaliSwiss          Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: