Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay hannaanka dowladda Soomaaliya ee la-dagaalanka Al-shabaab iyo goosashada xubnaha Al Shabaab.

Madaxweynaha iyo Beesha CaalamkaMadaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka hadlay hannaanka dowladda Soomaaliya ee dhinaca la-dagaalanka Al-shabaab iyo saameynta barnaamijkani uu ku leeyahay goosashada xawliga ah ee xubnaha Al Shabaab ka tirsan uga soo goosanayaan ururkaas.

Talaabadan ayaa daba-joogta markii liiska cunno-qabateynta lagu daray taliye sare oo hore uga tirsanaa Al-shabaab, Sheekh Maxamed Saciid Maxamed Atam, goosashadii Zakariya Ismaaciil Xirsi (Zaki), goosashadii dhawan ee Xuseen Dhubi oo ka dhacday degmada Luuq iyo kororka tirada xubnaha caadiga ee isaga soo cararaya Al-shabaab, sida lagu sheegay qoraal kazoo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si cad u muujiyay sida ay uga go’an tahay sugidda amniga qof kasta oo kasoo goosta Al-shabaab kana tanaasula fikirkoodii hore ee ku saleysan wax burburinta iyo colaadda, isla markaana qaata nabadda, isagoo yiri. “Waxaan u sheegayaa xubnaha weli ka tirsan Al-shabaab ee aan la dhacsanayn fikradaha Al-shabaab in albaabbadu ay mar walba u furan yihiin, gaar ahaan kuwa diida ee ka soo horjeesta fikirka Al Shabaab, isla markaan diyaarka u ah inay nabadda qaataan.”

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa si gaar ah uga hadlay goosashadii daowaan ay xubno sare oo Al-shabaab ka tirsan kasoo goosteen isgoo yiri. “Hoggaamiyeyaal sare oo Al-shabaab ka tirsan ayaa horay u soo goostey.

Dowladda federaalka ah waxay gacan ku siisey in laga qaado cunno-qabateyntii ee horay loogu daray. Waxaan mar kale u xaqiijinaya shacabka Soomaaliyeed in tallaabadan aan si sahlan loo qaadin oo ay jireen qodobbo muhiim ah oo la tixraacay.

Hoggaamiyeyaashan si dhab ah ayay uga qoomameeyeen ugana tanaasuleen falalkii ay hore u sameeyeen. Waxay billaabeen, dib u heshiisiin, gaar ahaan iyagoo si gaar ah ula hadlaya dadkii ay saameeyen falalkii ay hore u sameeyeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Lama hadleyno oo keliya hoggaamiyeyaasha Al-shabaab ee waxaa jira askar caadi ah oo aad u badan oo ka tirsanaa Al-shabaab; kuwaasoo iyaguna kasoo goostey ururka. Qaar kale oo badanna waxay raadinayaan qaab ay kaga soo baxsadaan mugdiga ay weli ku xaniban yihiin. Waxaan u sheegeyna mar kasta in albaabbadu ay u furan yihiin, laakiin waa inaad iska diiddaan oo aad dhinac iska dhigtaan fikirka xun ee Al-shabaab”.

Dhanka kale, Xasan ayaa fariin u diray xubnaha kasoo goosanaya Al-shabaab, kuwaasoo uu kusoo koobay afar qodob oo kala ah;
1. In qofka soo goostey uu qirto ama aqoonsado dambiyadii uu horey u soo galay.
2. Inuu dhinac iska dhigo ama diido dagaalka iyo taageerada kooxda Al-shabaab.
3. Inuu qaado mabda’a nabadeed oo xal loogu raadiyo colaadda.
4. Inay ka go’an tahay inuu door muuqda ka qaato sidii uu bulshada ugu biiri lahaa.

“Kuwa kasoo goosta Al-shabaab waxaa gacan lagu siiyaa inay qirtaan dambiyadii ay horay u soo galeen, waxna ka qabtaan falalkii ay horey u sameeyeen, iyadoo la raacayo barnaamij si dhow dusha loogala socdo oo la xiriira dib u habeynta xubnaha kale ee kasoo goosta Al-shabaab. Marka ay ku biiraan bulshada, si joogta ah ula soconaya socodkooda ciidamada amniga Soomaaliya si ay u xaqiijiyaan inay dhab ka tahay goosashada; isla markaana ay ka go’an tahay inay abid ka fogaanayaan Al-shabaab,” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Madaxweynuhu wuxuu intaa uu raaciyay. “Waa inaad ogaataan in xubnaha ka tirsan Al-shabaab kasoo goosta ee aan doonayn inay shuruudahaas buuxiyaan ama aqbalaan ee doonaya inay sii wadaan falalka waxashnimada iyo khiyaanada ah ama doonaya inay shacabku dhacaan ama ay musuqmaasuqaan in sharciga lala tiigsan doono. Iyadoo mar dhow la ansixinayo sharci noqonaya xeer cusub oo gaar ah lana xiriira la-dagaalanka argagixisada.”
Ugu dambeyn, wuxuu yiri madaxweyne Xasan.”Kuwa doorta waddada nabadda, waxaan ugu baaqayaa shacabku inay soo dhaweeyaan, cafisna u fidiyaan si aan innagoo wadajirna u xirno boggan mugdiga ah ee taariikhda Soomaaliya galay.”

SomaliSwiss         Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: