Sii-hayaha xilka wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo ka Qayb-galaysa shirka ururka Midowga Afrika oo ka furmaayo magaalada Addis Ababa.

Bayle Addis.jpg1Sii-hayaha xilka wasiirka arrimaha dibadda Somalia, C/raxmaan Ducaale Bayle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qayb-galaya shirka ururka Midowga Afrika uga furmay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, kaasoo hordhac u ah shir-madaxeedka Midowga Afrika oo dhacaya dabayaaqada bishan.

Bayle AddisKulankan hordhaca ah ayaa waxaa ka qaygalaya in ka badan 40 wasiirrada arrimaha dibadda ee Midowga Afirka ka mid ah, kaasoo loogu talo-galay in loogu gogol xaaro shirka ay isugu imaanayaan hoggaamiyeyaasha Afrika.

Wasiirrada arrimaha dibadda Afrika oo kulankoodu socon doono laba casho ayaa ah mid ay albaabbadu u xiran yihiin, waxayna ka doodayaan dhowr ajande oo ay soo jeediyeen dalalka xubnaha ururka, sida Masar, Swaziland, Niger, Zambia, Cameroon iyo Jaad.

Sidoo kale, wasiirradu waxay falan-qeyn doonaan ka hortagga cudurka sida weyn u aafeeyay dalalka Galbeedka Afrika qaarkood ee Ebola, qalalaasaha ammaan ee ka taagan qaar ka mid ah dalalka Afrika, la-dagaalanka kooxaha Al-shabaab iyo Boko Haram.

Bayle ayaa lagu wadaa in shirka uu khudbad ka jeediyo, taasoo uu uga war-bixin doono horumarka siyaasadeed iyo midka ammaan ee ka dhaqan-galay Soomaaliya sannadihii ugu dambeeyay.

Wasiirka ayaa muddada shirka uu ka soconayo Addis Ababa, wuxuu kulamo gaar ah la yeelan doonaa qaar ka mid ah wasiirrada arrimaha dibadda iyo danjirayaal ka tirsan kuwa Afrika iyo caalamka.

SomaliSwiss          Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: