Sarkaal Sare oo kasoo goostay Xarakada Al-shabaab oo maanta Muqdisho ku qabtay Shir Jaraa’id.

Zakariya Ismaaciil XirsiMagaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Zakariya Ismaaciil Xirsi oo ah Sarkaal Sare oo kasoo goostay Xarakada Al-shabaab, iskuna dhiibay bishii lasoo dhaafay ee Decemer 2014-kii, ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo, wuxuuna shaaciyey inuu qaatay nabadda.

Shir Jaraa’id ee uu qabtay Zakriya Ismaaciil ayaa ku caddeeyey inuu ka mid ahaa xubin ka tirsan Al-shabaab islamarkaasna uu sii qabtay xilal kala y. Waxaanan rabaa inaan ka hadlo arrimo kala duwan oo muddo soo jiitamayay oo uu ALLE (SW) maanta I waafajiyay.

Ujeeddooyinkii ururka Al-shabaab uu ku billowday oo ahaa kuwo dad badan ay niyad ay u muujiyeen niyad wanaag soona jiitay, haddana nasiib-darro waxaa dhacday in waddadaas ay majaro-habaabiyeen shaqsiyaad dano gaar ah oo gurracan watay, fara-galin iyo aragti shisheeyana aysan ka marnayn.

Zakariya Ismaaciil wuxuu ka warbixiyey marin habaabinta iyo ku Xadgudubka Diinta Islaamka, Bulshada Soomaaliyeedna loola dhaqmay si xun:

– In laga been-sheego ku dhaqankii shareecada laguna dhacay xad-gudub diineed.
– Midnamadii iyo wada-tashigii ururkana oo meesha ka baxay.
– Xariirkii bulshada oo xumaaday, kaddib markii loona turi waayay.
– Dulmi iyo xad-gudub badan oo loo gaystay xubno ururka ka mid ahaa.
– In jihaadkii la leexiyay, loona rogay in shacabka lagu beegsado, dhiigna lagu daadiyo.

“Waxaa xaqiiqo ah in fikirkaas qaloocan uu ku koobanaa rag fara-ku-tiris ah oo hoggaanka ururka Al-shabaab ka tirsan, waxaana jira dad badan oo aan fikirka la qabin; isla markaana aan ku qanacsanayn sida ay wax u socdaan,” ayuu shirkiisa jaraa’id ku yiri Zakariye.

Haddaba; waxaan caddeynaayaa maanta wixii ka dambeeya inaan xubin ka ahayn Al-shabaab, fikirkaygana aan ku gudbisan doono qaab nabadeed iyo is-faham… aanan ka tanaasulay inaan dagaal iyo colaad wax ku xaliyo.

Waxaan ugu baaqayaa kuna dhiirri-galinayaa ragga saaxibbadey ah in si wadahadal iyo nabadgalyo ah wax lagau xaliyo maadaama ururka Al-shabaab uu ku yimid burbur iyo kala-tag, anigana halkan waxaan u imid sidii aan arrinkaas uga howlgali lahaa.

Sidoo kale, Zakariye Xirsi oo ahaa madaxii sirdoonka Al-shabaab ayaa wuxuu ku sheegay shirkiisa jaraa’id inuu u mahadcelinayo dowladda Somalia; sida qadarinta iyo xushmada mudan ee ay noo soo dhaweysay. Waxaanan si aad ah ugu faraxsanahay in maanta ay jirto dowlad Soomaaliyeed oo sharci ah, isla markaana daneynaysa xuquuqda bulshada Soomaaliyeed oo dhan.

Ugu dambeyn, sarkaalkan kasoo goostay Al-shabaab ayaa wuxuu xusay in aysan waxba ka jirin aragtida ay dad badan oo ururka ka mid ahi aaminsan yihiin, taasoo ah in dowladda Soomaaliya ku xad-gudubtay xuquuqda shacabka iyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed loo gacan-geliyo shisheeyaha.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda soo dhaweysay go’aanka uu qaatay Zakariye Ismaaciil Xirsi oo ka dhawaajiyay maanta inuu qaatay nabadda, uuna ka tanaasulay fikaradihii Al-shabaab ee uu horay u aaminsanaa.

SomaliSwiss         Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: