Advertisements

Magaalada Garoowe ee maamul Goboleedka Puntland oo ka Furmay Shir looga hadlayo Barnaamijka Higsiga Soomaaliya ee 2016ka.

Higsiga Garoowe.jpg1Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland, C/weli Max’ed Cali (Gaas) ayaa maanta furay shir socon doono laba maalin,kaasi oo looga hadlayo hiisiga cusub ee Soomaaliya [New Deal],maalin ka dib markiii uu soo gaba-gabeeyay booqasho uu ku tagay magaalada Bosaaso.

Higsiga GarooweXubno matalayay dowladda Federaalka ah ee Somaaliya ,Qaramada Midoobay maamulada Puntland ,Jubbaland ,Gal-Mudug iyo Koonfur Galbeed ayaa ka soo qayb-galay shirkan oo arimo badan looga hadli doono.

“Barnaamijkan waxaan rajaynayaa inuu noqdo mid wax badan ka tara dib u dhiska dalka Somalia iyo helitaanka Somali mid ah, aad baan usoo dhaweynayaa wafdiyada madashan noogu yimid,“ ayuu yiri Gaas oo shirka hadal furitaan ah ka jeediyay.

Higsiga Garoowe.jpg3“Dabcan siyaasadda ayaa hogaamisa adduunka dhowr iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay adduunka waxa uu ahaa mid horumar samaynayay ,balse Soomaaliya taa badalkeed wax kasta ayaa ka lumay “ayuu mar kale yiri madaxxweyne Gaas.

Waxaa kaloo uu sheegay in shirkan oo arimaha looga hadlayo ay ku jirto horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya uu muhiimad gaar ah u leeyahay jiilalka danbe ee Soomaaliya .

“Runtii shirkan waxaad mooddaa in uu xamar kaliya ku koobnaa ,laakiin waxaan rabnaa inuu barnaamijkan balaarto oo macluumaadka la wadaago, waana muhiim inuusan hal meel ku koobnaan “ayuu mar kale yiri Gaas.

Higsiga Garoowe.jpg2Mudane Cabdiweli Gaas ayaa ugu dambeyn, ka dalbaday xubnaha ka qayb-galaya kulankan in ay muujiyaan midnimo ,isla markaana laga gudbo colaadaha gobolka ka jira ,iyadoo shirkan ay goob-joog ka ahaayeen xubno sar sare oo ka socday beesha caalamka.

SomaliSwiss          Garoowe

Advertisements
%d bloggers like this: