Advertisements

Hanti-dhowrka Qaranka oo sheegay inay ku guuleysteen in ay xiraan inta badan xisaabaadkii lacageed ee hay’adaha dowladda Soomaaliya….

Astaanta SomaliaHanti-dhowraha guud ee Soomaaliya, Nuur Jimcaale Faarax oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegeay inay ku guuleysteen in ay xiraan inta badan xisaabaadyadii lacageed ee hay’adaha dowladda Soomaaliya ay ku lahaayeen bankiyada ganacsiga ee Muqdisho.

Nuur Jimcaale ayaa tilmaamay in 90% akoonnada hay’adaha dowladda Soomaaliya ay ku lahaayeen Bankiga ganacsiga ay xireen, isagoo tilmaamay in tallaabadani ay tahay mid ay kula soconayaan dhaqdhaqaaqa guud ee hay’adaha dowladda Soomaaliya.

“Maanta waxaan ku guuleysannay inaan xirno 90% xisaabaadyadii lacageed ee uga furnaa bangiga ganacsiga Somalia hay’adaha dowladda Soomaaliya, waxaanan u soo wareejinnay akoonnadaas bangiga dhexe ee dalka, taasoo qayb ka ah qorshe aan kula socon doonnno dhaqdhaqaaqa wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda Somalia,” ayuu yiri Hanti-dhowrka guud ee dalka.

Sidoo kale hanti-dhowrka ayaa xusay in sanadkan 2015-ka ay sameynayaan qorshe cusub oo horseedaya in miisaaniyadda iyo xisaabaadka lacageed ee ay ku leeyihiin bangiga dhexe hay’adaha iyo waasaraha dowladda.

“Qorshaha cusub ee aan doonayno inaan sannadkan hirgelinno waa mid aan kula socon doonnno xisaabaadyada lacageed ee wasaaradaha dowladda iyo hay’adaha kale ee dalka. Waana mid qaab casri ah u shaqeyn doona,” ayuu ku daray hadalkiis Hanti-dhowrka guud ee dowladda Somalia.

Dhanka kale, Nuur Jimcaale ayaa sheegay in howshan ay kawada shaqeyn doonaa isaga iyo xisaabiyaha guud ee dalka, isagoo aad u rajo-wanaagsan ka muujiyay in habkan cusub uu xadidi doono musuqmaasuq xisaabaadka dowladda lagu sameeyo.

Ugu dambeyn, Hanti-dhowrka guud ee dalka ayaa sheegay in iyaga uu ka saaran yahay waajib gaar ah la socodka dhaqdhaqaaqyada hay’adaha kala duwan ee dowladda, gaar ahaan habka isticmaalka miisaaniyadda dalka.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka hanti-dhowrka guud ee Qaranka ayaa kusoo beegmaya xilli xeer-ilaaliyaha guud ee dalka uu dhawaan sheegtay inay inta badan wasaaradaha iyo sidoo kale hay’adaha kala duwan ee dowladda ku lug yeesheen musuqmaasuq aad u baahsan.

SomaliSwiss         Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: