Wafdi ka socda Guddiga Xuquuqda Aadanaha Afrika oo maanta soo gaaray Muqdisho.

guddiga xuquuqda aadanaha AfrikaWafdi ay hoggaaminaysay Reine Alapini Gansou oo ka tirsan guddiga xuquuqda aadanaha Afrika, guddoomiyaha guddigan horay u soo noqotay, iyagoo berri oo Talaado ah kaga qaybgeli doona weyn oo ku saabsan Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya.

Xubnaha wafdiga waxaa ka mid ah ahaa isku-xiraha dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha Afrika, Joseph Bikandi, John Foli oo ah maamulaha cilmi-baarista hay’adda u dhaqdhaqaaqda xuquuqda adanaha oo fadhigiisu yahay magaaladda Kampala ee dalka Uganda iyo Xasan Shire Sheekh oo ah guddoomiyaha dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda Adanaha Bariga iyo Geeska Afrika.

Ujeeddada safarka wafdigan ayaa lagu sheegay sidii ay ugu kuur-geli lahaayeen xaaladda ay ku sugan yihiin dadka u dooda xuquuqda aadanaha ee jooga gudaha Soomaaliya.

Wafdigan waxay berri kaga qaybgali doonan Muqdisho kulan ballaaran oo ay kasoo qayb-gali doonan xubno ka tirsan QM, Midowga Afrika, dalal ka socda dalalka Yurub, wasiirro xukuumadda Soomaaliya ka socda, xubno ka imaanay qaar ka mid ah maamullada dalka ka jira iyo suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa looga hadli doonaa arimaha xuquuqda aadanaha Soomaaliya, waxaana lagu casuumay dhammaan dadka ay arrintani khuseyaan sida uu sheegay guddoomiyaha dhaq-dhaqaaqa Xuquuqda Adanaha, Xasan Shire Sheekh.

Dhanka kale, Reine Alapini Gansou ayaa isla maanta la kulantay ergeyga QM ee Somalia, danjire Nicholas Kay iyadoo ay kala hadashay arrimaha xuquuqda aadanaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn, wafdigan ayaa hordhac u ah wafdi kale oo Muqdisho imaanaya, kuwaasoo iyaguna u kuur-galaya xaaladaha xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya, iyadoo Somalia lagu sheego inay ka mid tahay dalalka aad ugu liita dhinaca xuquuqda aadanaha caalamka.

SomaliSwiss           Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: