Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay Xukuumada Cusub iyo Booqashadii Erdogan.

Madaxweynaha  kulan.jpg7Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay booqashadii Recep T. Erdogan iyo magacaabida xukuumadda cusub ee Somalia.

Mudane Xasan Sheekh ayaa shacabka Muqdisho ku nool ugu mahadceliyay sidii ay ugu dul-qaateen culesyadii jiray intiii ay Muqdisho ku joogeen booqashada madaxweyne Turkiga, Recep Tayyip Erdogan iyo wafdigiisii.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa u mahadceliyay ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM oo sugayay amniga caasimdda intii ay wafdiga Turkiga ah joogeen, isagoo ku boorriyay inay sii laba-labaataa dadaallada lagu adkeynayo amniga. Isagoo ciidamada ku ammaanay sida ay ugu hor-tagayaan falalka Al-shabaab.

“Waxyaabihii aan madaxweynaha Turkiga kawada hadalnay waxaa ku jiray in la sameeyo guddiyo ka shaqeeya hirgelinta heshiisyada lawada saxiixday, waxaan sidoo kale isla soo qaadnay in dowladda Turkiga ay Soomaaliya ka caawiso dhismaha dowladnimada,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Somalia ayaa intaas ku daray in dhawaan ay heshiisyo kale oo cusub kala saxiixan doonaan labada waddan, isla markaana ay kawada shaqeyn doonaan maslaxadda iyo danaha labada dowladood.

Booqashadii madaxweynaha Turkiga ayuu ku tilmaamay in booqashadii uu ku yimid Muqdisho madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ay wax badan kaga duwanayd tii sannadkii 201-kii uu ku yimid Muqdisho, isagoo ku sheegay sababta in dalku uusan maanta joogin halkii uu sanadkaas joogay, isagoo xusay in madaxweyne Erdogan uu ku farxay isbedelka waddanka uu sameeyay muddadaas kooban.

Dhanka kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale shirkiisa jaraa’id ku sheegay in dhawaan lasoo dhisi doono xukuumad cusub oo ay kuwada jiraan dhammaan dhinacyada Soomaalida.

“Xukuumad ayaa lasoo dhisi doonaa dadka oo dhan ma wada heli doonaan jago, waxaan codsanayaa in dhamaanteena aan la shaqeyno xukuumadda si dalka looga dhaqaajiyo meesha uu hadda taagan yahay; looga faa’ideysto waqtiga,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed isku tanaasul si loo gaaro danta guud ee ummadda ka dhexeysa, si loo helo dowladnimo taam ah.

SomaliSwiss          Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: