Isbitaalka Digfeer oo xariga laga jaray isla markaana loogu magac daray Madaxweyne Erdogan.

10891524_892012110819411_3853562073058501212_nMadaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa si rasmi ah xariga uga jaray isbitaalka digfeer ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ka mid ah goobaha ay dowladda Turkiga dhistay, isla markaana qalabeyn casri ah ku sameysay. HOOS KA DAAWO VIDE-GA IYO SAWIRADA.

Madaxweyne Erdugan ayaa sheegay in mashaariicda Turkiga ugu talagalay ay tahay mid bilow ah isla markaana ay sii socodoonto. NO COMMENT VIDEO  

Sidoo kale Wasiirka Caafimaad ee dalka Turkiga oo qeyb ka ahaa wefdiga Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Isbitaalo kale ay dib u dhis ku sameyn doonaan taas oo qeyb ka ah mashaariicda dib u dhiska ah ee dalka Turkiga uu ku caawinayo dalka Soomaaliya.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo ay wehliyaan wafdi heer sare ah ayaa gaaray isbtiaalka Digfeer ee degmada Hodan, taas oo hadda loogu magac daray Madaxweynaha dalka Turkiga Receo Tayyip Erdogan,waxaana ay ku soo wareegeen qeybaha uu ka koobanyahay isbitaalka.  NO COMMENT VIDEO  

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay isbitaalka digfeer loogu adeegi bulshada Soomaaliyeed, isagoo dhigiisa Turkiga uga mahadceliyay dhismaha iyo qalabeynta isbitaalka Digfeer, isla markaana ay bushada Soomaaliyeed ay kaga maarmi doonaan inay caafimaad dalka dibadiisa u doontaan.

10947331_10203245598492060_7470638566233919403_n 10891524_892012110819411_3853562073058501212_n 10801673_891999590820663_1270201715443163686_n 19296_827893420589624_6968914158347108436_n ??????????????????????????????? Erdogan Somalia.jpg1 ??????????????????????????????? Erdogan Somalia.jpg2

NO COMMENT VIDEO  
 

//

%d bloggers like this: