Xaflada lagu maamusayey Ra’iisalwasaaraha dalka Turkiya oo xalay ka dhacay magaalada Baden ee dalka Switzerland.

Share2015-01-23-98a3903b0cb3c7e4474a206b105751ca47dfe4e2a0b86c6e5d28d36fb4f14edf-PictureDadka Turkiga waa Ummad Jecel Diintooda, Madaxdooda iyo Dalkooda.

Waxaa xalay ka dhacay magaalada Baden Xaflada lagu maamusayey Ra’iisalwasaaraha dalka Turkiya Mudane Prof. Dr. Ahmet Davutoğlu. HOOS KA DAAWO SAWIRO KALE.

Share2015-01-23-ce9b3103dfcfe4c816ee3a3f7a0776d7045ad914af1998e988d246c502ede85f-PictureMunaasabaddan ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey Guddiga Ururka Midnimada Jaaliyadaha Turkiga ee Qaaradda Yurub, waxaana lagu casumay qaybaha Gudiyada iyo Bulshada Turkiga ee Waddamada Reer Yurub.

Waxaa kaloo Casumad sharafeed loo diray Bahda Shabakada SomaliSwiss Website iyo Ururka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kanton Zurich, si ay uga qab galaan soo dhaweyn Ra’iisalwasaaraha dalka Turkiya Mudane Prof. Dr. Ahmet Davutoğlu.

Share2015-01-23-d2d890de480abf92b90787ea4d6fcb911fb75f7569eba29b2355c24eac32543b-PictureRa’iisalwasaare Prof. Dr. Ahmet Davutoğlu ayaa wuxuu soo gaaray goobtii loogu talay galay in lagu inuu kula kulmo dadka Turkiga ah oo ka kala yimaaday dhammaan Wadamada Yurub, saacaddu markey ahayd 19ka Fiidnimo ayaa waxaa billaabmay soo dhaweyntii Mashraxaddi iyo Fantasiya ku dheehan qiiro Waddaniyadeed ay ku weynaynayaan Waddankooda iyo Madaxdooda.

PM TurkigaMudane Prof. Dr. Ahmet Davutoğlu ayaa waxaa munaasabaddaas ka jeediyey khudbad dheer ee ka hadleysay dhinacyada Siyaasadda, Horumarka iyo Xiriirka Caalamiga, ha yeeshee Ra’iisalwasaare Prof. Dr. Ahmet wuxuu faafaahin dheer ka bixiyey Xiriirka wanaagsan ee la yeesheen Soomaaliya, kaas oo ilaa haatan meel fiican uu marayo, ayna sii wadi doonaan ilaa uu ka mira dhalo.

Share2015-01-23-68f5ac90546d951be690c2714e208098a9376d519d04e50cbca68ac6042fcdae-PictureWaxaa goobtii lagu qabtay soo dhaweynta Ra’iisalwasaare Prof. Dr. Ahmet oo ahayd Hool aad u weyn lagu rakibay Shaashado laga daawan kara dhaqdhaqaaqa Madaxdii Khudbeynaysay iyo Bulshadii ka soo qayb gashay oo sitay Calanka waddankooda.

Share2015-01-23-9375aecc3e00fd957a15c006eab490bb8b215c28c27c2dd6efcedecaed9a0ae5-PicturePM Turkiga.jpg2Somalia & TurkiyaShare2015-01-23-98a3903b0cb3c7e4474a206b105751ca47dfe4e2a0b86c6e5d28d36fb4f14edf-PictureHaddaba qoraalka hoos ku qoran waa Casumaadii lagu sharfay Soomaalida ku nool dalkan Switzerland waxayna u qornayd sidatan:

Date: Wed, 21 Jan 2015 20:30:00 +0000
From: musa19@yahoo.com
To: info@somaliswiss.net; somaliswiss@hotmail.com
Subject: Einladung Baden, 23.01.2015
Einladung zur Rede von Herrn Prof. Dr. Ahmet Davutoğlu, Premierminister der Türkischen Republik am Freitag, 23. Januar 2015.

Assalamun alaykum

Dr. Ahmed Di’su Daud; SomaliSwiss Media Website &
Somalisches Verein des Kanton Zürich

Wir, die Union of European Turkish Democrats – Switzerland (UETD Schweiz) haben die Ehre, den Premierminister der Türkischen Republik, Herrn Prof. Dr. Ahmet Davutoğlu, voraussichtlich am Freitag, 23. Januar 2015, für eine Rede in der Schweiz zu begrüssen.

Gerne möchten wir Sie und die SomaliSwiss Media website & Somalisches Verein des Kanton Zürich herzlich zu diesem Anlass einladen und würden uns freuen, Sie willkommen zu heissen.
Ort : Kultur und Kongresszentrum TRAFO, Boveri Platz 1, 5400 Baden
Zeit : 19:00 Uhr
Toröffnung ab: 17:00 Uhr

Damit ich Sie zum Protokoll lotsen kann, bitte ich Sie um Mitteilung der Personalien (Name, Vorname, Adresse, Tel.:, Email) der teilnehmenden Personen.
Für Rückfragen stehe ich Ihnen selbstverständlich sehr gerne zur Verfügung.

Freundliche Grüsse
Musa Acar
UETD Schweiz

SomaliSwiss       Zürich
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: