Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta kula kulmi doono Boqorka Cusub ee Sacuudiga Caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyadh.

Madaxweynaha Soomaaliya SacuudigaMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi Ballaaran uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga  ay kulan kula yeeshaan boqorka Sacuudiga oo dhawaan la wereegay xilka Boqornimo kadib geeridii jimcihii la soo dhaafay boqorkii dalkaas ku timid.

Mas’uuliyiin ka tirsan Boqortooyada dalka Sacuudiga ayaa si weyn u soo dhaweeyay Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya oo ka mid ah madaxda islaamka ee ka qayb galay Tacsida Geeridii Boqorka dalka Sacuudiga Boqor Cabdalla Bin Cabdulcasiis.

Wariyaha la socda Wafdiga Madaxweynaha ayaa soo sheegaya in ay socoto qaban qaabada kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Boqorka Cusub ee dalkaas oo ka wada hadli doona Arrimo badan oo ay ka mid tahay xiriirka labada dal iyo iskaashi dhexmara Soomaaliya iyo Sacuudiga.

SomaliSwiss          Jeddah
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: