Madaxweyne Cumar Geelle iyo kan Turkiga Erdogan oo Kala Saxiixday heshiisyo dan u ah labada dhinac.

Erdogan iyo GeelleMadaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan iyo kan Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle kulan ay ku wada qaateen magaalada Jibuuti ee dalka Jibuuti ku kala saxiixday hishiisyo dhowr ah oo la xiriira horumarinta dalka Jibuuti.

Erdogan iyo Geelle.jpg2Madaxweyne Erdogan iyo Madaxweyne Geelle ayaa hishiiska ay kala saxiixdeen waxaa ka mid ahaa Arrima la dagaalanka argagaxisada, Caafimaadka, Waxbarashada, Burcad badeedka, iyo arrimo kale oo la xiriira horumarinta dalka Jibuuti, iyadoo sidoo kale labada madaxweyne ku hishiiyay in xiriir ganacsi oo dhow ay yeehaan.

Kulankooda kaddib ayaa Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen labada madaxweyne ayaa faah faahin dheeri ah kaga bixiyeen qodobbadii ay ku hishiiyeen, iyadoo Madaxweyne Ismaaciil Geelle uu dowladda Turkiga si weyn ugu ammaanay doorka ay ka qaadanayaan horumarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Erdogan oo isna ka hadlay booqashada Jibuuti ayaa waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay booqashada uu ku joogo dalkaasi waxaana uu sheegay in ay xoojinayaan xiriirka kala dhaxeeyo dadka iyo dowladda dalkaasi.

Erdogan iyo Geelle.jpg1Madaxweynaha Turkiga ayaa xalay gaaray Jabuuti, kaddib markii uu kasoo laabtay dalka Boqortooyada Saudi Arabia oo uu shalay u dhoofay si uu uga qaybgalo aaska boqorkii hore ee Sucuudiga, taasoo baajisay safar uu ku imaan lahaa Muqdisho.

SomaliSwiss        Jabuti
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: