Madaxweynaha Turkiga oo Xalay Gaaray Jabuuti berrina imaan doono magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha TurkigaMadaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa xalay gaaray Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti, halkaasoo ay uga billaabatay booqasho maalin ah, iyadoo berri ay isaga iyo wfdiga la socda imaanayaan Muqdisho.

Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo masuuliyiin kale ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ayado wada hadallo ku saabsan iskaashiga labada dal ay wada yeelan doonaan labada madaxweyne.

Shirkooda ayay ku daah furi doonaan heshiis cusub oo dhaqaale oo u dhaxeeya Jabuuti iyo Turkiga, ayadoo Turkigu uu mashaariic horumarineed ka fulin doono Jabuuti.

Madaxweynaha Turkiga Racep Tayyib Erdogan ayaa socdaalkiisa ku imaan doona magaalada Muqdisho ee caasimadda waddankeena, socdaalkaas ayaa dib u dhacay markii uu geeriyooday boqorkii dalka Sucuudiga, Boqol Cabdallada Bin Cabdalcaziiz oo uu janaasadiisa uga soo qeyb galay Sucuudiga.

Dowladda Turkiga ayaa kaalmo bani’aadamnimo iyo mashaariic horumarineed ka fulisay Soomaaliya, Madaxweyne Erdogan ayaa xarigga ka jiri doona qeyb cusub oo lagu kordhiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, isagoo booqan doona xarumo caafimaad iyo goobo waxbarasho oo ay hirgalisay dowladda Turkigu.

Sanadkii 2011-ka ayuu mudane Racep Tayyib Erdogan yimid magaalada Muqdisho isagoo ahaa Ra’iisul-Wasaare. Wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay ka fulin doonaan mashaariic dib u dhis ah, kaalmona ay u fidin doonaan dadka Soomaaliyeed.

SomaliSwiss           Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

// <![CDATA[
_
// ]]>

%d bloggers like this: