Qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay Hotelka SYL, kaas oo lagu weeraray wafdi Turki ah oo horudhac ah booqashada Madaxweyne Erdogan.

Somali government forces assess the scene of a suicide car explosion in front of the SYL hotel in the capital MogadishuWaxaa maanta Qarax ismiidaamin ah ee lagu weeraray Hotelka SYL oo kasoo horjeeda madaxtooyada Sodmalia ayaa la sheegayaa inuu ahaa mid lagu weeraray wafdi Turki ah oo hordhac u ahaa booqashada madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan oo hoteelkaas deggenaa.

Inta la ogyahay saddex qof oo laba booliis ah ay ku jiraan iyo qofkii weerarka fuliyay ayaa ku geeriyooday qaraxa, waxaana ku dhaawacmay laba qofna oo kale, waxaana goobta uu ka dhacay qaraxa ay ku sugnaayeen xilligaas dad fara badan oo isugu jiray dad ah shacab iyo askarta dowladda Soomaaliya.

Warbaahinta dalka Turkiga ayaa qoray in hoteelka albaabkiisa uu ku dhacay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, balse ay badbaadeen wafdigii ka socday Turkiga oo hoteelkaas ku lahaa shir xilliga uu qaraxu dhacayay.

“Hoteelka waxaa deggenaa wafdi Turki ah, wax khasaare ah oo gaarayna ma jirto,” ayuu yiri Faarax Nuur oo ka tirsan saraakiisha booliiska Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta gudaha iyo kuwa caalamiga ah.

Cap. Faarax Nuur ayaa intaas ku daray. “Gaarigu wuxuu ku qarxay illinka hore ee hotelka, welina waxaa socda baaritaanno lagu xaqiijinayo sida uu qaraxan ku dhacay iyo cidda ka dambeysa.”

Ma jiro cid ka tirsan wafdiga Turkiga ah oo waxyeello ay kasoo gaartay qaraxan, sida lagu sheegay war kasoo baxay wasaarada arrimaha dibadda ee Turkiga. mana jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarkan ismiidaamint ah.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo lagu wado inuu berri oo Jimco ah uu booqasho ku tagayo magaalada Muqdisho, taasoo ah mid hal maalin ah, wuxuuna furayaa mashaariic ay hay’adaha Turkigu ka fuliyeen magaalada Muqdisho.

Si kasta oo ay tahay, Hoteelka SYL ee Qaraxa ismiidaaminta ah lala beegsaday ayaa kasoo horjeeda madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa 10-kii

SomaliSwiss            Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: