Nicholas Kay oo soo dhaweeyay in Soomaaliya ay xubin buuxda ka noqotay heshiiska caalamiga ah ee Carruurta.

Nicholas KayErgeyga QM ee Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa soo dhaweeyay in Somalia ay xubin buuxda ka noqotay heshiiska caalamiga ah ee Qaramada Midoobay ee xuquuqda carruurta (CRC) kaasoo maanta uu si rasmi ah u saxiixay xaflad uu hogaaminayay madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh.

Heshiisku ayaa gundhig u ah tallaabooyinka ay dowladuhu u baahan yihiin inay qaadaan si ay u ilaaliyaan una horumariyaan Xuquuqda madaniga ah, kuwa siyaasadeed, kuwa dhaqaale, bulsho iyo kuwa dhaqan ee carruurta.

“Waxaan soo dhaweynayaa ansaxinta ay Soomaaliya ee heshiiska xuquuqda carruurta. Tani waa tallaabo muhim ah oo horay loo qaaday si loo ilaaliyo loona horumariyo xuquuqda ay leeyihiin dhammaan Caruurta Soomaaliyeed,” ayuu yiri danjire Nicholas Kay.

Nicholas Kay oo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Maadaama ay Soomaaliya kasoo kabanayo labaatameeyo sanno oo colaado ah, Dowladda iyo saaxiibada ay ku leedahay caalamkaba waajib baa ka saaran inay ilaaliyaan una adeegaan kuwa ugu nugul ee bulshada Soomaaliya.”

Ugu dambeyn, Key ayaa hadalkiis kusoo gunaanaday. “Waxaan rajeynayaa in Somalia ay hadda sidoo kale billaabi doonto geeddi-socodka ay xubin kaga noqon lahayd hab-dhaqanka aan khasabka ahayn ee heshiiska xuquuqda carruurta. Qaramada Midoobay waxay diyaar la tahay inay hay’adaha iyo madaxda Soomaaliya ku taageerto arrintaas.”

Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayaa maanta ka mid noqotay 194-qof oo dhammaantood saxiixay heshiiska dhowrista xuquuqda carruurta, waxaana maanta soo af-jarantay muddo fog oo ay Somalia ka maqnayd dalalkii horay u saxiixay heshiiskan.

SomaliSwiss      Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: