Taliyaha ciidamada waddooyinka oo sheegay in sannadkii hore ee 2014-ka ay dhaceen 2,408 shil.

Taliyaha TrafikoTaliyaha ciidamada waddooyinka ee Taraafikada loo yaqaan, Jen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) ayaa sheegay in sannadkii hore ee 2014-ka ay dhaceen 2,408 shil, isagoo xusay in 122 ka mid ah shilalkaas ay galeen mootooyinka loo yaqaan Bajaaj-ta ee saddexda lugood leh.

taraafiko..jpg2Jen. Cali Gaab ayaa sheegay in ciidamada ilaalada waddooyinka aysan weli helin qalabkii ku filnaa, isagoo xusay in qalabkan maqan uu yahay mid ka maqan Qaranka, haddii ay helaanna ay howshooda kordhinayaan.

“Sannadkii tagay oo keliya markaan ka hadlo waxaa dhacay 2408 shil oo ay 122 ka mid ah galeen mootooyinka bajaaj-ta loo yaqaan, dukumiintigii aan ku sharraxaynay sidii ay shilalkaas u dhaceenna waan gudbinnay,” ayuu yiri Jen. Cali Gaab oo u warramayay idaacadda ku hadasha afka dowladda FS ee Radio Muqdisho.

Taliyaha ayaa intaas raaciyay in maalin walba ay tiriyaan 15 shil oo siyaabo kala duwan uga dhaca waddooyinka Muqdisho, gaar ahaan kuwa muhiimka ah sida waddada Maka Al-Mukarama.

“Ciidamadu waxay u baahan yihiin dhiig cusub iyo qalab, waayo sannadkii hore 2014-ka waxaa lagu dilay waddooyinka Muqdisho shan ka mid ah ciidamada kala haga gaadiidka, waxaana dilay kooxo fidno-wadayaal ah,” ayuu hadalkiisa ku daray Jen. Cali Gaab.

Sidoo kale, taliyaha ayaa xusay in gaadiidka lagu qaado gaadiidka shialka gala ee burbura ay ugu deeqeen sannadkii hore ay ugu deeqeen ciidamada xoogga dalka, sidoo kalena mootooyinka ay ciidamada ilaalada waddooyinka ay isticmaalaan uu shank a mid ah siiyay duqii hore ee Muqdihso Maxamuud Tarsan, ayna hadda ka nooshahay hal mooto oo keliya.

“Waxaan u baahannahay gaari wiish ah oo gaadiidka lagu qaado oo isgoys walba la dhigo hal xabbo, sidoo kale in la helo gaadiidka gargaarka deg-dega ah Ambulance-yada loo yaqaan iyo hal mooto, balse intaas oo dhan weli ma helin,” ayuu hadalkiisa ku daray taliyaha ciidamada ilaalada waddooyinka.

Si kastaba ha ahaatee, taliyaha ciidamada ilaalada waddooyinka Soomaaliya ayaan sheegin tirada dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay shilalkii ka dhacay Muqdisho sannadkii lasoo dhaafay.

SomaliSwiss        Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: