Halyeygii dadka madow Martin Luther King oo Maanta si weyn loogu Xusay Dalka Maraykanka

Martin Luther King 3Martin Luther King oo ahaa hogaamiyihii u dagaalanka xuquuqda dadka madow ee waddanka Maraykanka isagoo si aan rabshad lahayd u dhigay dibadbaxyo uu fikirkiis ku muujinayo, wuxuuna ku galay taas taariikhda, iyadoo si weyn ay dadku u xusuustaan maanta oo kale khudbadii caanka noqotey ee uu jeediyey ee ciwaankeedu ahaa “Waxaan ku riyoodaa”.
Martin Luther King 2DADKA MADOW EE DALKA MAREYKANKA OO GAARAY RIYADII MARTIN LUTHER

Luther King wuxuu dhashay 15-kii Janaayo 1929-kii, wuxuuna siyaasada iyo kacdoonkii u dagaalanka xuquuqda ddka madoowga galay isagoo dhawr iyo labaatan sano jir ah.
Waxaa aad loo xusuustaa isku soo bixii ka dhacay magaalada Washington 28-kii Agoosto, 1963-kii, kaasoo ay ka qayb-galeen rubuc malyuun qof oo jinsiyad kasta leh, kuwaasoo xitaa barxadihii waaweynaa ay deeqi wayday.

King ayaa ka jeediyay khudbaddii caan baxday ee magaceedu ahaa “Waxaan ku riyoodaa” taasoo socotay muddo 17-daqiiqo, kagana hadlayay rajadiisa ah Ameerika oo dadka oo dhan ay wada siman yihiin ayna xuquuqoodu siman tahay, iyadoo aanan loo eegin kala duwanaanshaha midabka. Iyadoo 154-kii Oktoobar, 1964-kii la guddoonsiiyay abaalmarinta billadda nabadda adduunka ee Nopel Peace Price.

Sidoo kale, wuxuu bartay culuumka diinta kiristaanka, isagoo noqdey nin baadari ah oo ka wacdiya kaniisadaha dadka, balse wuxuu wacdigiisa u badnaa mid guubaabiya dadka madoow in xuquuqdooda ay dhacsadaan, lagana joojiyo dhibaatadii lagu hayay ee xagga midabtakoorka iyo faquuqa.

Sanadka markuu ahaa 1955-kii ayuu jaamacadda Boston ka qaatay shahaadada ugu sarreysa ee Phd, xiligaasoo wixii ka dambeeyey uu si toos ah u horkacayay halgankii dadka madoow, isagoo xiligaa madax ka ahaa urur ay leeyihiin kaniisadaha.

Talaabaddii ugu caansanayd ee uu qaaday xiligaas waxy ahayd kacdoonkii basaska ee Montgomery halkaasoo haweeney lagu magacaabo Rosa Parks oo dadka madoow ahayd ay diiday inay kursiga uga kacdo nin cadaan ah sida uu sharciga dhigayay, kaddibna la xiray, King wuxuu ku guuleystay in sharcigaasi la tirtiro.
Waxaa king saameyn badan ku yeeshey fikradihii Mahadma Gandi ee ahayd halganka aan hubeysnayn, iyadoo la qabanqaabinayo bannaan-baxyo iyo dadka oo wada fariisanaya meelaha xafiisyada hortooda iyagoo cabasho ah.
King ayaa dalka Hindiya booqday sannaddii 1959-kii si uu wax uga soo barto halgankii aan hubeysneyn ee Gandi, kaddibna ku laabtay dalka Maraykanka xiligaasoo horkacay kacdoonadii ugu waaweynaa ee soo maray taariikhda Maraykanka.

Bishii April 04-teedii 1968-kii ayuu dhintay King waxaa lagu toogtay hoteel lagu magacaabo Lorraine Motel oo ku yaala degmada Memphis ee gobolka Tennessee halkaasoo uu u tagay inuu kaga qaybqaato mudaaharaadyo ay dhigayeen shaqaalaha nadaafadda dadka madoow ee degmadaas.

Nin lagu magacaabo James Earl Ray ayaa loo qabtay dilkii King, kaasoo laga qabtay garoonka Heathrow ee London halkaasoo ka dhoofayayay isagoo isticmaalayay magac kale iyo jinsiyad Canada ah, kuna sii jeeday Rhodesia oo hadda ah Zimbabwe oo waagaas caddaanka xukumayeen. sannadii 1969 ayaa lagu xukumey 99-sano xarig ah.

Martin Luther King 1Halgankii uu horseedey ayaa Maraykanka ka dhigey maanta dal dadka madoow iyo kuwa caddaanka ay isku xuquuq ka yihiin, iyada oo uu haatan madaxweyne madoow ah ka taliyo Maraykanka.

SomaliSwiss       Washinton
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: